Itromsø: Haweenay soomaali ah oo loo maxkamadeynayo shahaadooyin jaamacadeed oo been abuur ah.

0
78
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Sida uu qoray wargeyska Itromsø ee magaalada Tromsø, haweenay 28-sano jir ayaa lasoo taagi doonaa maxkamada Tromsø, iyada oo ku eedeysan adeegsiga shahaadooyin jaamacadeed oo been abuur ah.

Haweeneydan ayaa xili ay codsaneysay in loo aqoonsado(ansixiyo) aqoonteeda waxbarasho jaamaceed ee sare, keensatay shahaado Bachelor(1-aad) oo machadka Simad ee Soomaaliya ah, iyo Shahaado Master (2-aad) oo ay ka wadatay jaamacada Kenyatta university ee dalka Kenya.

Labadadaba shahaado jaamaceed ayaa sida uu wargeyska Itromsø qoray markii danbe la ogaaday inay ahaayeen kuwo been abuur ah.

Booliska ayaa haweeneydan kusoo oogay kiis dacwadeed, waxaana haweeneydan dhawaan lasoo taagi doonaa maxkamad woqooyiga Tromsø ee dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Skal ha forfalsket dokument fra høyere utdanning.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments