Erna Solberg: Soo galootigu waa inay bartaan luuqada Norwiijiga, si ay u helaan ceyrta

0
92

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa sheegtay in dowlada ay madaxda ka tahay ay adkeyn doonto shuruudaha lagu xiro dadka soo galootiga ah ee qaata lacagaha kaalmada dhaqaale ee loo yaqaan ceyrta. Solberg ayaa sheegtay in soo galootigu ay tahay inay bartaan luuqada Norwiijiga si ay u helaan lacagta ceyrta.

Solberg ayaa wargeyska Nettavisen u sheegtay in soo galootigu ay aad ugu badanyihiin dadka qaata lacagaha ceyrta, ayna inta badan ku fiicneyn luuqada Norwiijiga, taasna ay keeneyso inay suuqa shaqada ka maqnaadaan. Sidaas darteedna ay rabto in la badalo sharciyada arintaas la xiriira, si dad badan ay u bartaan luuqada Norwiijiga.

Erna Solberg ayaa raacisay in horey ay dowladeedu ay usoo rogtay shardi howl maalmeed lagu xirayo dadka ka yar 30-ka sano ee qaata ceyrta, taasna ay dhashay in dad badan ay suuqa shaqada dib ugu soo noqdaan. Hadana ay rabto in arintaas oo kale lagu soo rogo guruubyada kale ee qaata ceyrta.

Solberg ayaa sidoo kale raacisay inay ka shaqeyn doonto in isbadal lagu sameeyo sharciga, si inta aan lagu gaarin sanadka 2020 isbadalkan cusub loo dhaqangaliyo.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments