Norway: Qunsul ay isku dhaceen Barnevernka oo lagu qasbayo inuu dalka isaga baxo

0
176
Foto: KKN kristen Koalisjon Norge

Dowlada Norway ayaa wasaarada arimaha dibadda Poland ka codsaday inuu dalkeeda isaga baxo Slawomir Kowalski oo ah qunsulka safaarada Poland ee dalkan Norway.

Norway ayaa sidoo kale ku hanjabtay in hadii qunsulkaas uu wadanka ka bixi waayo, ay ku iclaamin doonto «persona non grata» oo ka dhigan inuu qasab wadanka uga baxo, uuna kasii shaqeyn karin.

Ceyrinta qunsulkan ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen, cabasha ka gudbiyeen booliska Norway iyo hey´adda xanaanada caruurta ee Barneverka ah. Qunsulkan ayaa caawin jiray qoysaska u dhashay dalka Poland ee kiisasku kasoo galaan hey´adda xanaanada caruurta ee Norway.

Booliska iyo barnevernka ayaa cabasho ay ka gudbiyeen qunsulkan sheegay inuu ku xadgudbay hab u dhaqanka diblumaasiyiinta, uuna soo dhaafay xuduudiisa. Taas oo ugu danbeyn keentay in Norway ay qunsulkaas ka codsato inuu wadanka isaga baxo.

Sida la sheegay qunsulkan ayaa wasaarada arimaha dibadda ee dalka Poland ay horey ugu aqoonsatay qunsulka sanadka, kadib markii uu gacan u fidiyay ilaa 150 qoys oo kiis uu soo kala dhexgalay hey´adda barnevernka.

Xigasho:Kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments