New-York: 4 qof oo rabay inay weerar bombaano ku qaadan muslimiinta oo la qabtay

0
157

Saddex nin iyo wiil yar oo laga soo qabtay magaalada New York ayaa la xiray, waxaana lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay weerar bambaano ku qaadaan Muslimiinta. Booliiska ayaa sidoo kale dadka lasoo qabtay ku eedeeyay inay haysteen hub.

Afarta qof ee la xiray ayaa looga shakiyay laguna eedeeyay in ay qorshaynayeen weerar ay ku qadaaan dadka muslimimnta ee ku nool Islamberg oo ku taalla agagaarka magaalada New York.

Baarayaasha ayaa waxay baaritaan ku sameeyeen dhowr goobood oo lala xiriiriyay in laga soo maleegayay shirqoolkan halkaasi oo laga soo helay bambaanooyiin nooca guriyaha lagu sameeyo.

Hubka la helay waxaa ka mid ah 3 bambaano oo ah nooca guriya lagu sameeyo.

Patrick Phelan,oo ka tirsan waaxda booliiska ee Greece ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale lagu soo qabtay rasaas.

Golaha ay ku bahoobeen muslimiinta Mareykanka ayaa waxa ay ugu baaqeen laamaha ammaanka in kiiska shaqsiyaadkan uu noqdo mid heer fedaraal ah.

Xigasho/kilde: BBC-LAANTA AFKA SOOMAALIGA

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments