SV iyo Rødt: Waxaan dalbaneynaa in xaalada Mahad Abiib wax laga qabto

0
86
Foto: Wardoon.net

Siyaasiyiin katirsan Xisbiyada Rødt iyo SV ayaa sheegay inay dowlada ka rabaan ficil ku saabsan wax ka qabashada xaalada Mahad Abiib oo maxkamada Oslo ay diiday inay aqbasho racfaankii uu ka gudbiyay kala noqoshada ay dowlada Norway kala noqotay dhalashadiisa Norway.

Bjørnar Moxnes oo ah gudoomiyaha xisbiga Rødt ayaa wargeyska ABC-nyheter u sheegay in hadii dowladu ay hubto in Mahad Abiib uu kasoo jeedo dalka Jabuuti, aysan dhibaato weyn ku aheyn inay u tarxiilaan dalkaas, sida uu Mahad dalbaday maalmo kahor. Isaga oo raaciyay in hadii ay Jabuuti diiday inay Mahad aqbasho, in loo diro Soomaaliya oo sheegay inay soo dhaweyn doonaan.

Bjørnar ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Norway ay Mahad ka dhigtay «dal-laawe», uusana dagi karin ama ka shaqeysan karin wadan kale. Sidaas darteed ay dowlada Norway masuuliyad ka saarantahay wax ka qabashada xaalada Mahad Abiib.

Dhanka kale Karin Andersen oo ah xildhibaan SV ah oo katirsan baarlamaanka Norway, ayaa sheegtay in wax aan la fahmi karin ay tahay in dowlada Norway aysan Jabuuti kala hadlin xaalada Mahad Abiib, ama aysan dhiiga DNA-ga ka qaadin nin ay dowladu sheegtay inuu yahay Mahad walaalkii, si ay u cadeeyaan.

Mahad ayaa wareysi uu siiyay wargeyska ABC-nyheter maalmo kahor ku sheegay inuu diyaar u yahay in lagu celiyo dalka ay dowladu sheegtay inuu kasoo jeedo ee Jabuuti.

Xisbiyada SV, Rødt iyo MDG ayaa dhawaan baarlamaanka Norway u gudbiyay mooshin ku saabsan in isbadal lagu sameeyo sharciga soo galootiga Norway, si loo xadido xiliga qofka lagala noqon karo sharciga dhalashada Norway.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments