Sida ay maanta qoreen qeybo badan oo kamid ah warbaahinta dalkan Norway, labo wiil oo dhalinyaro soomaali ah, walaalana ah ayaa maxkamada Oslo ay ku kala xukuntay 7 sano oo xabsi ah, iyo 3 sano iyo bar xabsi, kadib markii ay maxkamadu ku heshay danbiyo dhowr ah lagu soo oogay, ayna kamidyihiin falal la xiriira kufsi iyo dhac. Isla wiilashan walaalkooda ayaa isla maxkamada Oslo ay labo isbuuc kahor ku xukuntay fal kale oo kufsi ah, sida uu qoray NRK.
Wiilashan soomaalida ah oo da´ahaan kala jira 16, 17 iyo 19 sano ayuu NRK qoray inay yihiin Norwiijiyaan asal ahaan kasoo jeedo, ayna mudo ku noolaayeen dalka Ingiriiska.
Fal danbiyeedka ugu daran ee wiilashan lagu soo eedeeyay ayaa la xiriira kufsi xaafada Torshov loogu geystay gabar 15 sano jir ah. Wiilka weyn ayay lagu soo eedeeyay inuu gabadha ugu hanjabay inuu dili doono, hadii aysan sameyn sida uu uu rabo. Halka kan kalena uu mindi ku qabtay wiil gabadha la socday, uuna ugu hanjabay inuu galin doono, inta uu uu socday falka kufsiga ah.
Labadan wiil ee walaalaha ah ayaa wiilka iyo gabadhaas ugu hanjabay inay dili doonaan, hadii ay la xiriiraan booliska, sida uu qoray NRK.
Walaalahan ayaa waxaa xukunka xabsiga ah u dheer in lagu xukumay lacag magdhow ah oo dhan 250.000 NOK oo gabadha kufsiga loo geystay loo xukumay iyo 175.000 nok oo wiilka gabadha la socday loo xukumay.
Wiilka weyn ayay maxkamadu sidoo kale ku heshay falal danbiyeedyo kale oo ay kamid yihiin isku day kufsi oo la xiriira dad kala duwan.
Andreas Nyhaug oo qareen u ah wiilka 16 sano jirka ah ayaa sheegay inay xukunka maxkmada ka qaadan doonaa racfaan, wuxuuna horey NRK u sheegay in wiilkan uu iska fogeeyay fal danbiyeedka lagu soo eedeeyay.
Walaal kale oo isna fal kufsi ah loo xukumay:
Wiil kale oo la dhashay labada wiil ee maanta maxkamada Oslo ay xukuntay ayaa isna sidoo kale labo isbuuc kahor loo xukumay fal danbiyeed la xiriira kufsi loo geystay gabar 14 sano jir ah. Wiilkan oo hada 16 sano jir ah ayaa xiliga uu falkaas geysanayay da´ahaan jiray 15 sano. Waxaana lagu xukumay 4 sano iyo bar xabsi ah, taas oo 3 sano iyo bar ah kamid ah ay tahay xabsi ay shuruud ku xirantahay ah.
Alexander Rydberg Greaker oo qareen u ah wiilka 16 sano jirka ah ayaa NRK u sheegay inuu ka xunyahay waxa dhacay uuna raali-galin siinayo hooyada gabadha dhibanaha ah.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.