Sweden-Dagbladet: Sucuudiga oo maalgaliya iskuulo gaar loo leeyahay oo Sweden kuyaalo

0
195

Warbixin uu qoray wargeyska Dagbladet (Svd) ee dalka Sweden ayaa lagu qeexay in dawladda Sacuudigu ay maalgaliso iskuulo gaar loo leeyahay oo kuyaal dalka Sweden. Iyada oo horey loo ogaa in dowlada Sucuudiga ay maalgaliso masaajido kuyaal Sweden.  .

Laanta kormeerka iskuulada ee Sweden ayaa ayaa dhankeeda sheegtay inaysan  war u hayn tirada iskuullada ee dalka Sacuudigu uu maal geliyo

.

Hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna Jan Björklund, oo ahaan jiray wasiirka tacliinta Sweden, ayaa doonaya inuu joojiyo maalgelinta noocaasiya.

– Fikrradaha xagjirka ee salka ku haya danaha diiniyanka ah ee noocan oo kale oo aanu iminka ka hadleeyno iyo fikirka Wahaabiismada ee Sacuudiga iney maalgeliyaan, waa mid loo baahan yahay in la garwaaqsado in aanay dawladda Sacuudigu xiiseenayn sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xisaabta ee ardeyda iskuulka dhigata. Waxayse maalgelintaasi salka ku heeysaa sidii saameeyn loogu yeelan lahaa dhabbo diini ah ee la qaado, waana mid loo baahan yahay inaan marnaba la ogolaan.

Warbixinta lagu daabacay wargeyska Dagbladet ee Sweden waxaa tusaale ahaan loogu soo qaatay dugsiga Alsalamskolan ee ku yaala magaalada Örebro. Waana dugsi dhaleecooyin badan oo 30 gaarsiisan ay horay ugu jeedisay laanta kormeerka iskuulladu.

Agaasimaha guud ee iskuulka ayaa caddeeyay iney dhaqaale malaayiin gaaraya ay si toos ah uga helaan aqalka boqortooyada Sacuudiga. Halka ay dhanka kale laanta kormeerka iskuulladu sheegtay in aanay wax war ah ka hayn tirada iskuullada gaarka loo leeyahay dalkan Sweden ee sidaasi oo kale loo maalgeliyo. Waxeyna middaasi ku xiran tahay iney howlaha iskuulladaasi maamulaan ururro samafal – stiftelser, waxa afka iswiidhishka lagu yiraahdo, waana midda adkeenaysa in wax laga ogaado.

Gustav Fridolin oo ah wasiirka tacliinta ayaa tilmaamay inuu jiro xeer cusub oo hirgali doona dhamaadka sanadkan, wuxuuna rajeeyay inuu yahay mid  howlaha u sahlo laanta kormeerka iskuulladu iney la socdaan xaaladda iskuullada gaarka loo leeyahey.

– Isbedelka ugu wayn wuxuu yahay in baaris lagu sameeyn doono iskuullada dadyoowga ka dambeeya, kuwa fadhiya hoggaanka ama saameeynta ku leh , tusaale ahaan maalgeliya.

Xigasho/kilde: Radio-sverige-Laanta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments