Norway oo 450 milyan ugu deeqeyso Soomaaliya

0
81
Foto: Mohamed Canbe(OPM-SOMALIA)

Sida maanta lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda dalkan Norway, dowlada Norway ayaa 450 milyan oo Kroner ugu deeqi doonto sanduuqa horumarinta bankiga aduunka ee Soomaaliya loo sameeyay. Lacagtan ayaa qiyaas ahaan u dhiginta ilaa 46 milyan oo dollar.

Lacagtan ayay dowlada Norway sheegtay in lagu xoojin doono shaqooyinka sanduuqaas oo ay ugu waaweynyihiin  xoojinta awooda canshuur qaadista ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, wanaajista hanaanka maaliyada iyo xoojinta awooda dowlada ee adeegyada asaasiga ah ee dowlada.

Balanqaadka lacagtan ee dowlada Norway ayaa looga dhaqaaday magaalada Bali ee caasimada dalka Bali, halkaas oo ay isbuucan ku kulmeen madaxda bankiga aduunka. Waxaana shirkaas ka wada qeybgalay wasiirka maaliyada Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirka horumarinta Norway, Nikolai Strup.

Wasiirka horumarinta Norway ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya ay tahay mid nugul wali, inkasta oo ay jirto horumar laga sameeyay dhinacyo badan. Wuxuuna tusaale usoo qaatay khilaafka ka dhex aloosan madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxda dowlada federaalka ah ee Muqdisho. Wuxuuna raaciyay inay muhiim tahay in beesha caalamku ay taageerto talaabooyinka lagu dhalinayo xasilinta iyo kalsoonida ka dhxeyso qeybaha bulshada Soomaalida.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments