Dagsavisen: Soomaali ka been sheegay aqoonsigiisa oo 120 maalmood oo xabsi ah lagu xukumay

0
87
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Sida uu qoray wargeyska Dagsavisen, nin soomaali ah oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti ayaa lagu xukumay 120 maalmood oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamad ku heshay danbi ah inuu ka been-sheegay macluumaadka aqoonsigiisa shaqsiyeed.

Wargeyska ayaa qoray in ninkan uu sanadkii 2012 magangalyo weydiistay Norway, isaga oo xiligaas sheegay inuu kasoo jeedo dalka Soomaaliya. Wuxuuna sidaas ku helay magangalyo, isaga oo sadex sano kadibna helay degenanaanshaha rasmiga ah.

Sida uu wargeyska dagsavisen qoray, waxaa gadaal kasoo baxday in ninkan uu kasoo jeedo dalka Jabuuti, uuna leeyahay magac ka duwan kan uu magangalyada kaga codsaday Norway. Ninkan ayaa arinta ka qirtay maxkamada, waxaana lagu xukumay 120 maalmood oo xabsi ah, isaga oo lagu helay danbi ah inuu war aan sax aheyn uu u sheegay laamaha dowlada.

Xigasho/kilde: Dagsavisen-Papiravis-12-10-2018

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments