Frp: waxaan rabnaa in Siiriyaanka la siiyo 20.000, si ay wadankoodii ugu noqdaan

0
101
Foto: Youtube/Stillebilde

Jon Helgheim oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga Frp, ayaa sheegay in la joogo xiligii qoxootiga reer Siiriya ee magangalyada kumeel gaarka ah heysta ay dib ugu noqon lahaayeen wadankoodii. Isaga oo raaciyay in xisbiga Frp uu rabo in qofkii reer Siiriya ah ee dib u noqonaya, ay ku caawin doonaa lacag dhan 20.000 oo lacagta dalkan Norway ah.

Helgheim ayaa warbaahinta u sheegay: «Siiriya waxey u baahantahay dib u dhis, Iyo in dadka wadanka u dhashay ay dib ugu noqdaan dalkoodii. Waxeyna arintaas ka qeybqaadan kartaa dhimista cadaadiska soo galootiga dalkan Norway».

Tirokoob laga soo xigtay UDI-da ayaa lagu sheegay in tan iyo sanadkii 2011 ay Norway soo galeen qoxooti Siiriyaan ah oo dhan 13.229, waxaana ilaa hada degenaansho ka qaatay 2400 qof oo dadkaas kamd ah.

John Helgheim ayaa sheegay in heshiiskii qoxootiga ee xisbiyada ay xisbiyadu ay galeen sanadkii 2015, uu dhigayay in qoxootiga heysta magangalyada kumeel gaarka ah, wadankoodii lagu celin karo, hadii xaalada amni ee wadankii ay kasoo qaxeen ay soo hagaagto. Isaga oo raaciyay in la joogo xiligii qoxootiga Siiriyaanka ah ay wadankoodii ku noqon lahaayeen, si ay uga qeybqaataan dib u dhiskiisa.

Venstre: Wax soo jeedin aan waaqici aheyn

Dhanka kale xisbiga Venstre ee xukuumada kula jiro xisbiyada Frp iyo Høyre, ayaa sheegay in soo jeedinta xisbiga Frp ay tahay mid aan waaqici aheyn, aana xiligan la joogo dad lagu dhiirigalin karin inay Siiriya dib ugu noqdaan.

Guri Melby oo ah afhayeenka xisbiga Venstre ee arimaha soo galootiga ayaa sheegay in shaqada dowlada u taalo hada au tahay inay ka shaqeeyaan, sidii wadanka loo dhexgalin lahaa qoxootiga Norway joogo. Fariin qalad ahna loo dirayo, hadii xiligan laga codsado inay wadankoodii ku noqdaan.

Doorashada golayaasha deegaanka dalkan Norway ayaa dhici doonto sanadka danbe, waxaana hada muuqata in xisbiyadu ay hada sii bilaabeen ololaha doorashada ay rabaan inay ku helaan codadka iyo kalsoonida shacabka.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments