Dowlada Norway oo ugu danbeyn ogolaatay in qofku uu labo jinsiyadood isku heysan karo

0
214

Dowlada Norway ayaa ugu danbeyn sheegtay inay u furantahay qaadashada sharci ah in qofka heysta dhalashada dalkan Norway uu heysan karo dhalashada ama jinsiyada wadan kale.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka ayaa sheegay in dowlada Norway ay raaceyso isku soo dhawaanshaha iyo isku furanka caalamka, iyada oo lagu jiro xili dad badan oo Norwiijiyaan ah ay xiriir shaqsiyadeed la leeyihiin wadamo kale oo caalamka ah. Sidoo kale ay jiraan dad badan oo heysta jinsiyada Norway, balse asal ahaan kasoo jeedo wadamo kale.

Sharciga Norway ee maanta ayaan qofka u ogoleyn inuu isku heysto labo dhalasho, iyada oo dadka Norwiijiga ah aysan qaadan karin dhalashada wadan kale, ilaa ay ka tanaasulayaan dhalashada Norway. Sidoo kalena dadka soo galootiga ah aysan qaadan karin dhalashada Norway, ilaa ay ka tanaasulaan dhalashada wadankoodii hore. Dowlada ayaa hadalkeedan cusub ku sheegtay inay rabto in la fasaxo in qofku uu labo dhalasho isku heysan karo.

Sidoo kale dowlada ayaa arinta kaleh ujeedo dhanka amniga ah. Waxaa jiro dad asalkoodii hore soo galootiga ah, kuwaas loo xukumo danbiyo la xiriira argagaxiso, balse aan laga qaadi karin dhalashada Norway, maadaama aysan heysan dhalasho kale. Sharcigan cusub ayaa dowlada u fududeynayo inay qofka loo xukumo danbiyo arintaas la xiriira ay ka qaadi karto dhalashada Norway, maadaama loo fasaxay inuu heysto dhalashada wadankiisii hore.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments