Reysulwasaare Kheyre oo maanta Oslo kasoo dagay

0
158

Reysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaaladan Oslo. Waxaana garoonka diyaaradaha Oslo kusoo dhaweeyay ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan wasaaradaha arimaha dibadda Norway.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmi doono Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda Norway. Shirkaan ayuu qorshuhu yahay in uu socdo 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba halmar la qabto, loogana hadlo xalinta khilaafaadyada.

Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway Erna Solberg, Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Reysulwasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale maalinta arbacada ah kulan la qaadan doono reysulwasaaraha Norway Erna Solberg. Waxaana safarkiisa ku weheliyo wafdi uu kamid yahay wasiirka maaliyada Soomaaliya, Dr Cabdirahmaan Ducaale Beyle.

Galabta arbacada ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu reysulwasaare Kheyre kasoo qeybgalo kulan soo dhaweyn ah oo ay u qaban-qaabiyeen ururka ardeyda soomaalyeed ee Norway(SSF). Kulankaas ayaa galabta arbacada ah ka dhici doono hoolka shirarka Thon Hotell-Ullevål Stadion. Wixii faah-faahin kulankaas ku saabsan kala xiriir halkan(Riix)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments