Canada oo joojisay musaafurinta muwaadinkan soomaaliga ah, saacado kooban kahor inta aan la tarxiilin.

0
129

Dowlada Canada ayaa joojisay musaafurinta Yuusuf Maadey oo ah muwaadin soomaali ah oo loo tarxiili lahaa dalka Kenya. Maadey oo loo haysto inuu dalkaasi ku galay Baasaboor sharci darro ah, islamarkaana Kenyan ah ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in loo ogolaaday inuu sanad kale kusii noolaado dalka Canada.

Wuxuu Maadey sheegay in uu ku dedaali doono xaqiijinta inuu yahay Soomaali dhab ah, balse haystay Baasaboorkan Kenyanka ah.

“Waan farxay oo waan ilmeeyay markii aniga oo macsalaameeyay reerkayga la ii yimid, la iguna dhahay dalka Sanad ayaad sii joogi kartaa”

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa sameysay dedaal xoooggan oo ku aaddan sidii loo baajin lahaa safarka Maadey, waana ay ku guuleysteen. Maadey ayaa qaba gabar Somali Canadian ah, waxaana ay u haysaa Afar Carruur ah, isagana dalkaasi wuxuu galay sanadkii 2013, xilli 20 sano uu ku noolaa xeryaha IFO.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments