Shaqaalaha UDI-da oo ka cabanayo cadaadis shaqo oo saaran: Dad badan ayaa qarka u saaran inay shaqada ka tagaan

0
119
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

Shaqaalaha heyádda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ayaa ka cabanayo cadaadis shaqo oo soo foodsaaray, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay heyádaas, qaar kamid ah shaqaalaha hey´adaasna loo sameeyay shaqooyin cusub.

UDI-da ayaa bilowgii sanadkan shaqada ka ceyrisay ilaa 200 oo shaqaale ah, kuwaas oo ahaa dad si kumeel gaar ah loo shaqaaleysiiyay xiligii ay qoxootiga tirada soo galeen dakan Norway ee 2015. Waxaana sidoo kale heyádda lagu sameeyay dib u habeyn, iyada oo qaar badan oo kamid ah shaqaalaha heyáddaas loo sameeyay shaqooyin cusub, taas oo keentay inay ka cowdaan cadaadiska shaqo oo ay sheegeen inuu soo foodsaaray.

Tirada dadka magangalyada soo weydiisto Norway ayaa si aad ah hoos ugu dhacday labadii sano ee ugu danbeeyay, waxeyse shaqaalaha UDI-du sheegayaan inay wali u yaalaan kiisas badan oo aan wali laga shaqeyn. Iyada oo dhanka kalena UDI-da lagu amray inay dib u furaan kiisaska boqolaal qof oo Norway horey magangalyo uga helay, qaarkoodna ayba heystaan dhalashada Norway. Arintaas oo u baahan shaqo iyo baaritaan ka tiro badan, tan kiisaska caadiga ah ee magangalyada dadka codsado.

Irene Brønlund Opseth oo ah madaxa shaqaalaha UDI-da ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in arinta ay keento in shaqaale badan oo aqoon sare leh ay ka tagaan shaqada hey´adda.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER(HALKAN KASII AKHRI ARINTAN)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments