NTB: 123.000 qof ayaa ku barakacay fatahaada wabiga ee magaalada Beledweyne

0
119

Wakaalada wararka dalkan Norway ee NTB ayaa maanta sheegtay in dad ku dhow 123.000 qof ay ka qaxeen guryahoodii, kadib markii wabiga shabeele uu kusoo fatahay magaalooyin ay kamid tahay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Hey´adda Redd barna ayaa sheegtay in ku dhawaad 427.000 ay saameyn ku yeesheen fatahaada wabiga, iyada kumanaan qoys ay ka qaxeen guryahoodii, halka kuwana ay ku go´doonsanyihiin guryaha ay deganaayeen oo ay biyuhu ugu soo galeen.

Soomaalida dalkan Norway ayaa isbuucan bilaabay howl lacag loogu uruurinayo dadka ku barakacay Beledweyne, waxaana howshaas mar kale sheegay iney qeyb ka qaadan doonaan gudiga masaajidka towfiiq iyo maraakista ku xiran.

Xigasho/kilde: Fjordbladet/NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments