Sweden: Muuqaalka rabshad ay caruurtan soomaalida ah sameynayaan, oo baraha bulshada laga hadalhayo

0
77

Baraha bulshada Sweden, gaar ahaan Facebooga iyo warbaahinada ay maamulaan kooxaha xagjirka ah, waa maalmihii ugu danbeeyay laga hadalhayaa muuqaal laga duubay caruur soomaali ah, kuwaas oo gacan ka hadal uu dhexmarayo dhowr qof oo waayeel Swedish. Falkan ayaa ka dhacay magaalada Gotoberg, goobta lagu magacaabo Kungstorget.

Sida dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen Raadiyaha P4, rabshadan ayaa ka bilaabay kadib marka ay caruurtan soomaalida ah ay garaaceen daaqada goob maqaaxi ah, waxaana kusoo baxay qaar kamid ah dadka meesha ka cunteynayay, waxaana halkaas ka bilowday gacan ka hadalkan ay dad badan ku duubteen telefoonada gacanta.

Booliska ayaa sheegay inaysan jirin cid ay waxyeelo weyn kasoo gaartay rabshadan, aysana jirin cid ay usoo qabteen.

Warbaahinada ay maamulaan kooxaha xagjirka ah ayaa dhacdadan si aad u faafinayo, iyaga oo xooga saarayo hadal uu leeyahay mid kamid ah dhalinyarada soomaalida ah oo u hanjabayo haweeney muuqaal duubeyso. Una sheegayo iney joojiso duubitaanka, hadii ay rabto iney mobilkeeda si nabad ah kusii heysato.

Halkan ka daawo mid kamid ah muuqaalada laga duubay arintan oo barta Youtubeka lasoo dhigay:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments