Oslo: 18-jir soomaali ah oo la dhaawacay: Booliska oo raadinayo wiil kale oo soomaali ah

0
113

Galabnimadii Talaadada, waxaa xaafada Holmalia ee magaalada Oslo lagu dhaawacay wiil 18 sano jir ah, kaas oo ay boolisku markii danbe sheegeen in dhaawiciisu uu yahay mid aan cusleyn.

Falkan ayaa ka dhacay goob aan wax badan ka fogeyn senterka xaafada Holmalia, waxaana dhacdadan goobjoog ka ahaa dad badan oo qaarkood ay yihiin caruur, sida ay boolisku saxaafada u sheegeen.

Sida ay warbaahinta NorSom News ka xaqiiqsatay qaar kamid ah ehelada wiilkan dhaawaca, ayaa ah wiil soomaali ah, iyada oo sidoo kale naloo sheegay in wiilka falka geystay uu isna yahay soomaali.

Booliska ayaa wali wado raadinta qofka falka geystay oo ay sheegeen ineysan wali gacanta ku dhigin, inkasta oo ay sheegeen inay aqoonsadeen qofka uu yahay. Booliska ayaan sidoo kale wali faah-faahin ka bixin sababta ka danbeyso dhacdadan, waxeyna ku gaabsadeen inay jiri karaan dhacdooyin hore oo xiriir la lahaan kare falkan talaadadii dhacay. Iyaga oo raaciyay in wiilka falka geystay uu yahay qof ay horey u yaqaaneen, oo aan ku cusbeyn.

Booliska ayaa sheegay iney dacwad danbiyeed isku dey dil ah kusoo oogeen wiilka falka geystay oo aysan wali gacanta kusoo dhigin.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments