Caawa waxaa soo baxayo warqada canshuur celinta(Selvangivelse), Halkan ka ogow waxyaabaha muhiimka ah

0
224
Bartay dhaqaale, ka shaqeeyo bankiga.

Maalinta bari oo ay taarikhda tahay 4.april, waxaa soo dhici doona warqadihii canshuur celinta dadka elektroniga isticmaalo, kuwa kalena waxaa loogu soo diri doonaa boostada. Waxaa haboon inaad dul marto warqada canshuurta celinta, oo wixii qaldan aad iska saxdid. Taas micnhaheeda ma ahan inaad ku buuxisid wax aana jirin, waxeyna arintaas kuu keeni kartaa in adiga dambiile laguu arko, ganaaxne lagu saaro.

Ka fiirsoo intii aadan wax qalad ah buuxin. Hadii luuqada ku dhibeyso ula tag Skatteetaten, weydii su´aalaha aad qabto, si kaaga jawaabana ama kuu caawiyaan.

Waxaa sharciyadaan hoos ku xusan aan kusoo bandhigi doonaan macluumaad ku saabsan warqada canshuur celinta, si aan ula wadaago walaalaha ku dhiban ama aan si wanaagsan u fahansaneyn. Qodobyada hoos ku xusan waa kuwa isleyahay anaga Soomaali waan u badanahay, qofkii wax dheeraad u baahan ha galo www.skatteetaten.no

 2.10 Foreldrefradrag: Qodobkan wuxuu quseeyaa qofkii: 

Waalid ah oo heysta caruur guriga la dagan oo da’adooda ay kayartahay 12 sano jir, sanadkii lasoo dhaafay

  • Caruur hadii barnehage kuu aadaan

  • Qofkii caruurtiisa u hayso «dagmamma»

  • Qofkii caruurtiisa ay u dhigtaan «skolefritidsordning/idrettsfritidsordning»

  • Hadii wadada shaqada wareeg dheer kugu noqoto marka aad caruurta barnehagada u wado.

  • Hadii uu qof caruurta kuu haayo «barnepass»

 Qodobkaan hadii aadan horay u buuxin , waxaa ku buxin kartaa:

  • Qofkii ama shirkadii caruurta kuu heysa oo aad lacagta ku siysid

  • Lacagta aad bixisay tiradeeda

  • Sababta aad u badashay (Haduu qalad jiro, xaas ama nin aad kala tagteen uu ku qoran yahay)

 

 Hadii gurigaaga iyo shaqada ay u dhaxeyso 64 km wax ka badan, waxaad gali kartaa linkiga hoos ku xusan si aad u xisaabisid.

http://www.skatteetaten.no/no/Person/Selvangivelse/tema-og-fradrag/Jobb-og-utdanning/Fradrag-for-reiser-hjem–arbeid/Reisefradragskalkulator/  

Hadii qarasha kaaga baxay safarka uu ka badanyahay 22.000 kroner ila 70.500 kroner.  

 

  • Utgifter til bom og ferge: Bom haduu kugu baxo ama doon hadaad raacdid shaqada darteed ,waxaa xaq u leedahday inaad qarashka kugu baxo inuu kuu soo laabto.

Hadii aad gaari ku isticmaashid waxii ka badan 3.000 kroner. waxaa xaq u leedahay ina lagaa jaro wixii qarash oo 3.000 kroner ka badan.  

  • Pendler:kost- og losjifeltene i post 3.2.7 

Hadii shaqadaada ka fugtahay guriga ii qasab kugu tahay inaad guriga ka soo dhaxdid oo aad kireysato guri kale waxaa xaq u leedahay in qarasha sida ijarka guriga kale iyo korontada laa jaro skatka. Lacagtaas lagaa jarayo waxaa la yiraahdaa losji waa qarashkii ka badan 10.000 kroner sanadkii. Qarashakaas waxaa loo baahanyahay cadeeyn sida warqad bangi ama wax la mid ah. 

Qodobkaan waxaa adegsan kartaa markii aad bixiso lacagta loo yaqaan «fagforening». Badanaa warqada canshuur celinta weey ku qorantahay, waxa ugu badan oo lagaa jaraayo waa 3 850 kroner. Iska fiiri iney sax kuu tahay.

 

  • 3.1 Gjeldsrenter

    Qodobkaan waxaa ka arki kartaa «ribada» deenta lagugu leeyahay iyo lacagta dulsaarka ah hadii deyn lagugu leyahay. Qodobkaan badanaa wuu buuxsanyahay lakiin iska fiiri inuu saxanyahay.

Iska sax hadii: 

  • Deyn aad qaadatay qarashka ku baxo deynta sida (qarashka loo yaqaan af norwejigaetableringsgebyr)

  • Lacagta dulsaarka aha markaa deyn qaadatid

Kuma jirto:

  • inkassogebyr.

  • Lacagta skatka lagugu leyahay oo loo yaqaan «restskatt»

Hadii aad lacag sadaqo sisid haya’ad ka diwaan gashan dalka Norway waa canshuurta lagaa jarayaa waa hadii lacagta ka badantahay 500 kroner. Haya’adaas waa ineey ka diwaan gashan tahay dowlada xisaabteydana u gudbisaa xarunta canshuurta loo yaqaan Skatteetaten.

Qodonkaan yaa lagu dagdagin ururo badan oo waxaa jiro diwaan gashneyn.

Qodobkaan wuxuu quseeyaa dadka ka diwaan gashan NAV ee qaato lacagta waalidka kaligiis ah. Hadii aad qaadatid waa laguu tix galiyey, laakiin iska hubi. Hadii aadan qaadan lacagta loo yaqaan utvidet barnetrygd, qodobkaan kuma quseeyo. Hadii caruurta labada waalid 50/50 u kala heystaan waa in lacagtaas 50/50 loo kala qeybsado. Waxaa laguu tix galinaa inta bilood aad lacagtaas qadatay sanadkii u dambeyey.

Qodobkaan loogu talo galay qarashaadka saa’idka ah ee ku baxo dadka xanuunsan. Waa qodob laga saaray sharciga canshuurta ka bilaabato 2012. Sharcigaan ma qabanyo dadka sanadkii 2010 iyo 2011 loo tix galiyay. Hadii aad horay qodobkaan u isticmaali jirtay, waa isticmaali kartaa, lakiin hadii uu yahay mid hada aad rabtid inaad bilaawdo surto gal ma ahan.

Qodobkaan wuxuu quseyaa dadka qarash kaga baxo wax barasho dheerad ah sida matalan haduu qofka shaqeeyo oo markaas uu ku qasbanyahay inuu wax barto shaqada darteed waxaa laga jaraa canshuurta qarashka kaga baxay waxbarashadaas. Matalan haduu qofku haduu yahay pilot oo markaas laga rabo inuu madaayin dheer qaato si u shaqadiisa u wato, qarashka nuucaas wa laga jarayaa lakiin haduu qofka iskuul ama wax barasho caadi ah aado, xaq uma lahan. Qodobkan markaas aad adeegsan karto waa (3.2.2)

Qoraalkaan waa mid aan ku caawinaayo walaalaheen Soomaaliyed, aqoon taqasus uma lihi canshuuraadka lakiin waa talo bixin. Wixii qalad aad ku aragtii waad iga sixi kartiin.

Mahadsanidiin,  Mohammed S. Ibrahim  

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments