Wasiirada caruurta: Waxaan qiimeynayaa in isbadal lagu sameeyo sharciga, si barnevernku ay usoo gali karaan kiisaska caruurta dugsi quraanka loo diro

0
172
Linda Hofstad Helleland Foto: Høyre

Waxaa isbuucan mar kale warbaahinta Norway kusoo xoogeystay kiisaska ku saabsan caruurta soomaalida ah ee Norway ku dhaqan,  loona diro dugsi quraanada Soomaaliya kuyaalo, kadib markii ay soo baxday in caruur kale ay wareysi siiyeen tv-ga qaranka Norway ee NRK.

Wasiirada cusub ee dhalaanka iyo sinaanta Linda Hofstad Helleland ayaa sheegtay inay qiimeyn ku sameyn doonto in isbadal lagu sameeyo sharciga dalkan Norway, si hey’adda caruurta ee barnevern loogu fududeeyo inay soo dhex-gali karto kiisaska caruurta iyaga oo aan raali ka aheyn loo diro dugsi quraanada wadanka dibadiisa kuyaalo.

Wasiiradan ayaa sheegtay in shaqaalaha ka shaqeeyo hey’addaha dowlada ay ku waajib ku tahay inay soo gudbiyaan warbixina la xiriira arimahan oo kale. Iyada oo raacisay in dhamaan dadku ay ka qeybqaataan soo gudbinta warbixinada caruurta la rabo in loo celiyo meelo ay kala kulmi karaan jirdil.

Hey’adda ilaalinta xaqa caruurta ayaa sidoo kale isbuucan dalbatay in isbadal lagu sameeyo sharciga dalkan Norway, si hey’adda xanaanada caruurta ee barnevernka loogu fududeeyo inay soo dhexgasho kiisaska caruurta dugsi quraanka loo celiyo.

Halkan kasii akhri warbixintan: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments