Stange: Xildhibaan soomaali ah oo siyaasi Sp katirsan ka dalbaday inay soomaalida raali-galin ka siiso hadal ay sheegtay

0
124

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta lokalka ah ee magaalada Stange iyo guud ahaan gobolka Hedmark laga hadalhayay dood ku saabsan masaajid ay soomaalidu maamusho uu kuyaal bartamaha magaalada Stange iyo dugsi quraan masaajidka ku dhexyaalo.

Doodan ayaa bilaabatay kadib markii Aasa Gjestvang oo ah siyaasi katirsan xisbiga Sp ay sheegtay inay haboon tahay in la ogaado waxyaabaha lagu dhigo dugsi quraanka masaajidka ku dhexyaalo, iyada oo raacisay inay ka in goobtaas oo aan laga warqabin waxa lagu dhigo ay ka cabsi qabto in caruurta dhigata loogu sameeyo maskax badal. Waxeyna haweeneydan oo katirsan maamulka Sp ee gobolka ay hadalkeeda raacisay in soomaalidu ay ku badantahay dhaqamada la xiriira gudniinka, guurka qasabka ah iyo xagjirnimada.

Aasa waa inay soomaalida raali-galin siisaa:

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee HA, Abdirisaq Hassan oo ah xildhibaan katirsan golaha deegaanka Stange, ahna gudoomiye ku xigeenka Ap ee stange ayaa siyaasigan katirsan Sp ka codsaday inay raali-galin siiso soomaalida, maadaama ay ku sameysay eedeyn guud oo dulmar ah.

Abdirisaaq ayaa sheegay in caruurta soomaalida ah ee Stange degan ay lamid yihiin kuwa kale ee norwiijiga ah ee magaalada kunool, ayna heystaan xoriyadooda oo kale. Balse ay jiri karaan waxyaabo dhaqan ahaan ama diin ahaan soomaalida u gaar ah, ayna mudanyihiin in lagu tixgaliyo qowmiyad ahaan.

Wuxuuna hadalkiisa raaciyay ineysan jirin wax ay soomaalidu qarinayaan, ayna siyaasiyiinta degmada ku casuumi doonaan masaajidka, si indhahooda ugu arkaan waxa halkaas lagu dhigo.

Wargeyska HA ayaa sidoo kale booqasho ku tagay qolka dugsi quraanka loogu dhigo caruurta, iyaga oo warbixin kale ka qoray qolka ka dhex dhisan masaajidka ee abuuray dooda isbuucii hore ka socotay warbaahinta lokalka ah ee degmadaas.

Aasa Gjestvang oo ka jawaabeyso eedeynta Abdirisaaq ayaa dhankeda sheegtay ineysan jirin sabab ay raali-galin u bixiso, kaliyana ay ka hadashay dareenkeeda ku aadan in maamulka degmadaas ay ogaadaan waxa caruurta loogu dhigo halkaas, si looga hortago dhibaatooyin imaan kara.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments