Laba wiil soomaali ah oo lagu dilay magaalada London.

0
123

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada London, labo wiil oo Soomaali ah ayaa la dilay, halka mid kalana la dhaawacay, kadib markii ay weerar kala kulmeen Kooxo Mindiyo ku hubeysnaa.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Borough of Camden ee Magaalada London, waxaana Soomaalida ku nool London ay sheegeen in Kooxihii dilka u geystay ay wateen Gawaari, isla goobtana ay ka baxsadeen.

 Ciidamada Booliska oo tagay halka dilalka iyo dhaawaca uu ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano ay ku sameynayaan, waxayna Isbitaal u qaadeen Wiilka dhaawaca ah oo la sheegay in uu dhiig baxayay.

Ehelka Dhalinyarada geeriyootay ayaa sheegay in Wiilashooda ay dhiig bax u geeriyoodeen, kadib markii Mindiya looga dhuftay Uur ku jirta, iyagoona dhiig baxay.

Dhalinyarada ku nool wadanka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa la kulmo weeraro ay u geysanayaan Dhalinyaro kale, waxayna isku adeegsadaan Mindiyo.

Koronto Aadan waxa ay daris la tahay mid kamid ah dhalinyaradii la dilay, Sidoo kalana ay eedo u tahay, waxa ay sheegtay in Wiilka Hooyadii ay wacday, una sheegtay in afaafka hore Gurigooda uu ka dhacay dil, uuna ku jiro tuhun ah in Wiilkeeda la dilay.

Hooyada wiilka dhashay iyo Koronto Aadan ayaa tagay goobta dilka uu dhacay, waxayna sheegtay in ay arkeen Wiilkooda oo dhintay, isagoo ay ka muuqato Dhiig bax, kadibna Booliiska ay u yimaadeen.

Dilalka Loo geysanayo soomaalida ayaa kusoo kordhaya Magaalada London ee saasimadda Dalka Ingiriiska, waxaana falalkaasi mararka qaar lagu eedeeyaa in ay ku lug leeyihiin Soomaali kale oo isla London ku sugan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments