Kiisaskii caruurta loo diro dugsi quraanada oo mar kale soo laba kacleysay

0
107

Dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay waxaa warbaahinta Norway aad looga hadalhayay kiisaska caruurta soomaalida ah ee dib loogu celiyo Soomaaliya, qaarkoodna ay soo tabiyeen in loo geystay jirdil.

TV-ga qaranka Norway ee NRK oo ahaa kii markii horey soo bandhigay warbixintii bilowday dooda xooga badan ee ku saabsan caruurta loo diro dugsi quraanada ayaa mar kale hadana soo tabiyay warbixinta dugsi cusub oo lagu magacaabo «Gargaar», kaas oo kuyaal magaalada Muqdisho, ayna dhigtaan caruur soomali-Norwiiji ah, qaarkoodna ay sheegeen in lagu jirdilay.

Wasaarada arimaha dibada dalkan Norway ayaa sidoo kale xaqiijisay in jiraan ugu yaraan shan caruur soomaali-norwiiji ah oo dhigata iskuulkaas uu NRK warbixinta ka qoray ee lagu magacaabo Gargaar. Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay inaysan xaqiijin karin in caruurtaas ay wali dhigtaan iskuulkaas iyo in kale.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri warbixinta. 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments