Abdijibaar Ahmed: Maalin Walbo Waa Maalin Cusub, Isweydii Maanta Maxaad Qabatay oo Faa’ido u ah Naftaada?

0
148
Abdijibaar Ahmed: Qoraha maqaalkan

Maalin walbo oo ku dhaafto kuuma soo noqonayso, waxaadna maalin walbo la kulantaa maalin cusub ee ku dadaal maalintaada.  Sawabtoo ah, shalay waa maalin tagtay oo aan kugu soo laabanaynin waxii ay guul lahayd iyo khasaareba way tageen mana soo ceshan kartid

Maanta waa maalinta ugu qaalisan cimrigaaga waana raasamaalka ugu weyn ee aad haysato waana maalinta ugu qaaalisan noloshaada. Qiimaha noloshaada oo dhan waxay ku xeranyihiin saacadaha yar ee kuu jira maanta. Noloshaada qiimaheeduna waa waxa ay noqonaysaa sidda aad hadba ugu faa’idaysato oo keliya waayo maanta markaad ka faa’idaysato berrina waad ka faa’idaysanaysaa cimrigaaga oo dhan. Laakiinse hadaad maanta lumiso beritana waad luminaysaa kadibna sidaas ayaad ku lumisay noloshaadii oo dhan. Waxaa la yirri «qofka maalintiisa lumiyaa berridiisana wuu lumiyaa»

Hadda kahor mar aan dhagaysanaayay dhiiro-geliye Less Brown wuxuu yiri “iisheeg sidda aad u isticmaasho wakhtigaaga, waxaan kuu sheegi doonaa sidda uu u ekaani karo mustaqbalkaaga” Ingiriisa ahaan “Tell me how you use your time, I will tell you how it looks your future”

Wakhtiga isagaa ah nolosha, garaaca wadnahaagu wuxuu ku leeyahay noloshu waa daqiiqado iyo sekenno, dabcan qofka wax kalla garanayaa waa qofka wakhtigiisa ka faa’iidaysta”, “wakhtigu waa sida seefta, haddaad jari waydo isagaa ku jaraya”.

Si aad u gaarto hadafkaaga, waxa aad u baahan tahay inaad qorshe fiican oo macquul ah la timaaddo. Waxa aad is weydiinaysaa su’aalo badan, waxaanad isku dayaysaa inaad jawaab ku shaafida u hesho. Su’aalahaas waxaa ka mid ah maxaan qabtaa? Goorma ayaan qabtaa? Halkeen ka qabtaa? Sidee ayaan u qabtaa? Cid aan u xilsaari karaa ma jirtaa si aan anigu hawlo kalle u qabto? Imisa ayay qaadanaysaa inaan dhammaystiraa hawshan aan faraha la galay? Iyo qaar kale. Jawaabaha su’aalahaasi waxay kugu hagayaan inaad hesho dariiq cad oo aad u marto xaqiijinta hadafkaaga.

Hadaf, himilo ama ujeeddo, waa waxa aad hiigsanayso gaaristiisa. Tusaale ahaan buug 300 oo xaashiyood ah inaad ku akhrido hal toddobaad waa hadaf. Haddii uu kuu cad yahay buugga aad akhriyayso, inta bog ee uu yahay, wakhtiga aad ku dhammaynayso, iyo waxaa aad ka faa’iidayso, waxa aad haysaa dariiq toosan oo kuu sahlaya inaad gaarto hadaf ah inaad aqoon kororsato.

Mudnaanta marka la kalla siinayo hawlaha aad qabanayso waxa la eegaa laba arrimood: muhiimadda arrinkaasi leeyahay iyo degdeg in loogu baahan yahay iyo in kalle. Haddii arrinku muhim yahay laakiin uu ku sugi karo, waxa aad ka horraysiinaysaa arrin laga muhiimsan yahay oo aan ku sugi karin ama wakhtigeedu dhacayo.

Xikmado iyo meelo badan oo diinteena ka mid ahba waxaa kaaga muuqanaya oo ay ina farayaan waa qiimaha waqtigu leeyahay inagana sidda inagu waajibka ah waa in aan ka faa’idaysanaa maalmaha nolosheena si aan ifka sharaf iyo cizzi ugu noolaana aaakhirana camal wacan oo ina anfaca aynu u shaqaysano waa inaad noqotaa qof noloshiisa iyo naftiisa toona aan faa’ido la’aanta iyo maalaa yacnigu boos ku lahayn oo aanay uga banaanayn.

Si hadaba aad u xaqiijiso arrintan waa in aad habeen kasta intaa aanad seexan xisaabtantaa oo xisaab xer ku samaysaa waqtigii aad maanta soo qaadatay iyo waxa aad kaga faa’idaysatay waa in aad ogaataa saacad walba iyo halka ay kaaga baxday waxa aad ku qabatay adigoo iskale mid dhigaya siddii nin meherad leh oo kale oo habeenkii xisaabinaya meheradiisa si uu u ogaado waxa uu faa’idaystay iyo waxa uu khasaaray iyo weliba waxa uu berri la shaqa tegeyo intaba.

Taasi waxay kuu fududaynaysaa inaaad ogaato waqtigaagii iyo sidda aad maanta ku qaadatay haddii net-ku kuu soo baxo guul aad baan kuugu hanbalyaynayaa waxaadna tahay qof noloshiisa guul ka jooga, haddii kalena waad khasaartay ee naftaada ku dhiiri geli in aanad dib u khasaarin oo aad khasaarahaga guul ku bedesho sida ugu dhaqsaa badan Allena (S.WT) tallo saaro keligii ayaa awood u leh inuu wax hagaajiyo.

Maskaxdaadina ku hay xikmada oranaysa «maalintaadu yaanay kugu dhaafin faa’ido la’aan maalkaagana ha dhigin wax ku qabad la’aan» waayo cimrigu wuu ka gaabanyahay inuu dhamaado faa’ido la’aan, maalkuna wuu ka yaryahay in la dhigo wax qabad la’aan.

Ogow oo ogow qofka caqliga badani suura gal kama ahan inuu waqtigiiisu maala yacni iyo faa’ido la’aan ku dhaafo maalkiisana ku lumiyo wax aan faa’ido lahayn iyo khayr toona. Waa in aad uga faa’idaysataa waqtigaaga siddii qof berri dhimanaya oo kale adiga oo fulinaya wax kasta oo waajib ku saaran ah, ugana soo baxaya habka ugu haboon oona dhamaystiraya hadey cibaado tahay iyo haday camal aduunyo oo wacan tahayba. Kuna xisaabtan in markuu xasilo qaamuskaaga aakhiro uu qaamuskaaga aduunkuna isaga oo khasban kuu imanayo. Waxa cirka lagu gaaray waa waqti laga faa’idaystay iyo buuraha figtooda, badda gunteeda waxaas oo dhana waxaa kasii saraysa jannada fardowsa ee ku dadaal saad if iyo aakhiraba ugu guulaysan lahayd kana faa’idaysato daqiiqada aad haysato.

Mahadsanid, waa walaalkaa Abdijibaar oo ku leh guulayso waligaa.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments