Khaire: Hadii Frp ay dhibaato ka qabaan baasaboorkeyga, hala isoo xiriiraan.

1
181

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Hassan Cali Kheyre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland maanta kula kulmay reysulwasaahara Norway, Erna Solberg. Kheyre iyo Solberg ayaa sanadkan ka wada qeybgalayay shirka sanadlaha ah ee madasha dhaqaalaha aduunka ee WEF.

Waxyaabaha uu Kheyre u yimid shirka madasha dhaqaalaha aduunka ayaa waxaa ugu muhiimsan sidii uu maalgalin ugu heli lahaa mashruucyada horamarin oo xukuumadiisa ay rabto inay fuliso gudaha Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska Dagbladet, Kheyre ayaa Solberg kala hadlay sidoo loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta dalalka Norway iyo Soomaaliya, kaas oo soo socday sanado badan.

FRP hala ila soo xiriiraan:

Kheyre ayaa wargeyska Dagbladet u sheegay in xisbiga xagjirka ah ee FRP ay lasoo xiriiri karaan, hadii ay dhibaato ku qabaan baasaboorka norwiijiga ah ee uu heysto. Hadalka Kheyre ayaa dabo socdo, hadal horey uga soo yeeray afhayeenka xisbiga frp ee dhanka soo galootiga, kaas oo ahaa in Kheyre laga ceshto dhalashada Norway, maadaama uu dal kale madax u noqday. Wuxuuna arintaas ku sababeeyay inay calaamad su aal ka imaan karto dalka uu qofka heysto dhalashada labo jinsiyadood uu daacad u yahay.

Ninka hadalkaas dhahayo waa Keshvari oo laftirkiisu asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiran, Norweyna kheyre uga soo horeeyay sadex sano oo kali ah.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Fadumo
Fadumo
6 years ago

Asc magace waa fadumo Elmi. Aniga ayaba aminsan tase sababtoaha kheyr waxow matala tal dhan madaxada ugu sareyaye yahaye maxow u hesana dhalasho kale lkn hadow cabis qabo oo norwaye ku so labanayo waa heesa kara lkn somali waa nabada iyo dadka la celina aniga hesa basabor norwaye tase maha cadalad wana cadalada daro u arka aniga haa wana idin salamaye