Xog uruurin: Xisbiyadee u badantahay in doorashada bari ay ku guuleystaan?

0
164
Foto: NRK-Skjermdump

Waxaa maalinta bari ah loo dareeri doonaan codbixinta doorashada Norway, iyada oo isla habeen danbe la ogaan doono natiijada hordhaca ah ee doorashada.

Doorashadan ayaa u dhaxeyso labo garab oo midna uu rabo inuu xukunka sii heysto(xisbiyada midigta) iyo garabka kale(xisbiyada bidixda) oo raba inay dowlada isbadal ku sameeyaan. Waxaana muuqato in farqiga u dhaxeeyo labadaas garab uu aad u yaryahay, natiijada doorashaduna ay 50%-50% labada dhinac u dhinici karto.

Wargeysyada Norway ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay oo dhan qaadayay ra´yi uruurin iyo codbixin hordhac ah, waxeyna dadka weydiinayeen cida ay rabaan inay u codeeyaan doorashadan.

Xarunta Poll of polls oo ah xarun lagu soo bandhigo ra´yi uruurinta dadweynaha iyo fikirkooda, ayaa sameysay saadaalin dhex-dhexaad ah, iyada oo laga qiyaas qaadanayo fikirka dadweynaha iyo codadka ay bixiyeen isbuucyadii ugu danbeeyay. Poll of polls ayaa soo saartay saadaalinta, iyo sida ay xisbiyadu codadka u kala heli karaan:

Ap: 26,7 % Høyre: 24,2 %, Frp: 14,7%, Sp; 9,8%, SV: 6,3%, KRF: 4,6%, Venstre: 4,2 MDG: 4,2 Rødt: 3,5%(Waxey ka hoos mari doonaan codadka looga baahanyahay xisbi si uu baarlamaanka uga mid noqdo,).

Sida ka muuqato saadaalintan, xisbiyadu aad bey isugu dhowyihiin, cidii guuleysan doonto, waxey ku xirantahay labadan xisbi midkood, kii ka hoos mara 4%. Waa Venstre iyo MDG.

Si kastaba, waxaa muhiim ah in dadka soomaaliyeed ee xaqa u leh inay codeeyaan ay sanadkan codkooda dhiibtaan. Sababtoo waxaa muuqato in cod walba oo la dhiibto uu saameyn ku yeelan karo natiijada doorashada ama ugu yaraan uu xisbi dhinac u ridi karo.

Xigasho/kilde: Polsofpolls.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments