Wiil loo maleynayo soomaali oo xaley dhac ka geystay maqaaxi kutaal Helsfyr

0
146

Qof wajiga soo duubtay, isla markaana ku hubeysnaa biskoolad ayaa fiidnimadii axada dhac ka geystay maqaaxi kutaal xaafada Helfyr ee magaalada Oslo. Ninkan ayaa markii uu dhaca geystay kadib u cararay dhanka vallhall, iyada oo boolisku ay sheegeen ineysan wali soo qaban, balse ay ku raad-joogaan.

Booliska Oslo ayaa sheegay iney wareysteen dad goob-joog ka ahaa goobta uu falkaas ka dhacay iyo shaqaalaha maqaaxida weerarka loo geystay. Dadka goobjoogayaasha ahaa qaarkood ayaa booliska u sheegay in ninka dhaca geystay uu ku hadlayay luuqad Ingiriis laga dareemayo dhawaq-luuqadeed(aksent) soomaali ah.

Majirto wax dhaawac ama waxyeelo nafeed ah oo ninka weerarkaas geystay uu ka sameeyay maqaaxidii uu dhaca ka geystay.

Xigasho/kilde: VG.NO, TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments