Wasiirada soo galootiga Denmark oo Facebooga soo dhigtay sawir lagu aflagaadeynayo Nabi Muxamed NNKH

1
200
wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Denmark, haweeneyda lagu magacaabo Inger Støjberg  ayaa bogeeda rasmiga ah ee barta Facebooga soo dhigtay sawir gacan ku sameys ah, kaas oo lagu aflagaadeynayo nabi Muxamed NNKH. Waxeyna soo raacisay qoraal dheer oo ay uga hadleyso muhiimada xoriyada hadalka, sida ay u jeceshahay Denmark iyo sida uu sawirkaas agteeda qiimo weyn ugu leeyahay.

Sawirka ay wasiiradan soo dhigtay barteeda ayaa ah nin ay madaxa ugu duubantahay cimaamad weyn oo miino loo ekeysiiyay, waxaana afka hore uga qoran towxiidka. Waxaana sawirkaas sameeyay nin lagu magacaabo Kurt Westergaards kaas oo dhowr mar oo hore ka badbaaday isku dayo dil.

Sawirka ay wasiiradan soo dhigtay barteeda Facebooga ayaa waxaa laga dheehan karay in shaashada mobilkeeda gacanta uu saaranyahay sawirka lagu aflagaadeynayo nabi Muxamed NNKH.  Sababta ay wasiiradan sawirka usoo dhigtay barteeda Facebooga ayaa lagu sheegay inay tahay in matxaf kuwo taariikhda ah uu diiday in sawirada aflagaada nabi Muxamed lagu soo daro bandhig sawiro ah, sababo xaga amniga ah awgod.

Reysulwasaaraha Denmark ayaa mar ay saxaafadu war ka weydiisay, diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo arinta ay ku kacday wasiiradiisa soo galootiga.

Warbaahinta Denmark iyo baraha bulshada ayaa maanta aad looga hadalhayaa falkan ay ku kacday wasiiradan, waxaana muuqato inay taageero xoogan ka heysato dadka fikirka ka dhiibtay sawirka ay soo dhigtay, iyada oo dhanka kalena ay jiraan dad ka careysan arintaas, kuwaas oo sheegay in wasiiradu ay rabto inay ka xanaajiso dad gooni ah.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Ismail
Ismail
6 years ago

Nacalad ha kugu dhacdo