Venstre oo qiimeynaya inay xukuumad kala mid noqdaan FRP.

0
122
Trine Skei Grande= Gudoomiyaha Venstre

Sida ay maanta sheegeen xisbiga Venstre, waxey golaha dhexe ee xisbigooda galeen shir ay albaabada u xiranyihiin, kaas oo ay rabaan inay go´aan kaga gaaraan arinta ku saabsan inay FRP xukuumad la dhistaan iyo inkale.

Erna Solberg ayaa isla xaleyba shir isugu yeertay xisbiyada afarta ah ee midigta, waxeyna sheegtay inay isla meel dhigi doonaan qaabka ay suurtogal ku tahay inay xukunka afar sano oo cusub ay sii wada heystaan. Erna ayaa rabto inay isku wadato xisbiyada Krf, Frp, Venstre iyo Høyre.

Venstre ayaan wali ka caga jiidaya inay ka jawaabaan su´aasha la wada sugayo ee ah inay xukuumad la dhisan doonaan FRP iyo inkale. Waxeyna marar badan ku celceliyeen inay doorbidayaan xukuumad ka kooban FRP, Venstre Høyre.

Venstre ayaa intii ay socotay howshii doorashada sheegay ineysan xukuumad la dhisan doonin FRP, balse laga yaabo inay taageero siiyaan xukuumad FRP iyo Høyre ka kooban.

Xisbiga kale ee KRF ayaa isla xaleyba banaanka keenay inaysan rabin inay xukuumad la dhistaan FRP.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments