Stovner: Boqorka Norway oo casuumaad u fidiyay Maxamed Xaaji Kheyre

0
193
Foto: Stovner Frivillighetsentral

Boqorka dalkan Norway, Hans Majestet Kong Harald V. ayaa casuumaad u fidiyay Maxamed Xaaji Kheyre oo kamid ah odoyaasha soomaaliyeed ee magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada Stovner. Duqa magaalada Oslo, Marianne Borgen ayaa sidoo kale bishii Maarso ee sanadkan Mohamed Kheyre gudoonsiisay bilad sharaf sanadeeda årets ildsjel ee xaafada Stovner, Oslo.

Mohamed Xaaji Kheyre ayaa casuumaad sharaf ka helay boqorka Norway, waxaana lagu casuumay inuu kasoo qeybgalo kulan sharafeed uu boqorka Norway la qaato dadka la gudoonsiiyay biladaha sanadka ku muteystay howlaha bulshada ee iskaa wax u qabsada ah.

NorSom News ayaa Kheyre wax ka weydiisay kulankaas lagu casuumay, wuxuuna noo sheegay in arintaas ay dabasocoto biladii hore ay bilowgii sanadkan gudoonsiisay duqa magaalada Oslo.

Halkan ka daawo muuqaalkii ay NorSom News Kheyre ka duubtay markii uu ku guuleystay bilada xaafada Stovner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments