torsdag, mars 28, 2024

SSB: Soomaalida oo ah soo galootiga ugu badan ee codka dhiibta xiliyada doorashada

Waxaa isbuuc kali ah ay inaga xigtaa doorashada baarlamaanka dalkan Norway. Hey´ada tirokoobka iyo xog uruurinta Norway ee SSB ayaa maanta soo saartay warbixin ay kaga hadleyso ka qeybqaadashada doorashada ee dadka soo galootiga ah.

SSB ayaa sheegtay in guud ahaan cod dhiibashada dadka soo galootiga ah ay tahay mid hooseyso, marka loo fiiriyo cod dhiibashada dadka norwiijiga ah ee xiliyada doorashada. 54% soo galootiga xaqa u leh inay codeeyaan ayaa codka dhiibto xiliyada doorashada, halka 80% dadka wadanka u dhashay ay dhiibtaan codkooda.

Soo galootiga ugu badan ee xaqa u leh inay codeeyaan ayaa waxay kasoo jeedaan dalalka Pakistan, Vietnam, Somalia iyo Ciraaq.

SSB ayaa sheegtay in soomaalida ay yihiin dadka ugu badan ee soo galootiga ah ee codka dhiibta, gaar ahaan dumarka soomaalida ayay SSB sheegtay inay codka bixiyaan doorashada.

 

Xigasho/kilde: Kommunalrapport.no, MSN.NO

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x