Maqaal: Maxaa soomaalida la gudboon doorashadii baarlamaanka kadib?

0
140
Mohamed Bashiir Hønefoss.
Mohamed Bashiir Hønefoss.

Sidaan wada ognahay waxaa 12.09.17 ka dhacday dalka Norway doorasho lagu soo doortay dadka dalka Norway u metalaya barlamaanka sanadaha 2017-2021, kuwaas oo laga soo dooranaayey gobolada dalka oo dhan iyada oo ay ilaa 9 xisbi u galeen loollan adag, si uu xisbi walbaa u helo aqlabiyadda kuraastaas si ay u helaan jagada Raiisal wasaaraha. Waynu wada ognahay natiijadii doorashada oo waxaa ku soo baxay isla xisbiyadii talada horay u hayey oo kala ahaa Hæyre,venstre,KRF iyo Frp,waxaana jagadii raiisal wasaaraha ku soo noqotay isla haweeynaydii horay u haysay wa Erna Solberg.

Waxaa doorashadaas waji gabax kala kulmay xisbiga AP oo ka mid ah xisbiyada ugu waaweeyn dalka Norway,waxaana khasaarahiisa loo tiriyey sababo badan oo aan la isku raacsanayn oo ay ka mid tahay hogaamiyaha xisbiga oo aan la iman karti iyo loolan siyaasadeed,halka isla isaga iyo shaqsiyaddiisa iyo hantidiisa sabab kale laga dhigay. Waxaa kaloo iyana sababa ka mid ahaa in dadkii xisbiga horay u dooran jiray ha wareegeen markay arkeen siyaasadda xisbiga oo ka duwan tii hore,waxaa iyana sababaha ka mid ahayd, kana mid ahayd kuwa ugu macquulsan xisbiga oo aan la iman barnaamij siyaasadeed oo ay dadku ku doortaan. Xisbiga oo doonaayey in isbedel ku sameeyo xukuumadda awoodana bedelo ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu talada la wareego,balse marna macaddayn waxa ay u doonayaan inay xukunka bedelaan taasoo ah ma ay keenin ajando iyo qorshe ay wax ku maamuli doonaan haddii ay guulaystaan.

Guul daradan ayaa xisbiga dhexdiisa ka abuurtay muran iyo khilaafaad aan qaarkood bannanka u soo wada bixin balse guux ahaan ku soo baxday,waxaana ka mid ah in guuldarada xisbiga oo maalmihii hore la saaray gudoomiyaha xisbiga hadda dusha looga tuuray ku xigeenka hogaamiyaha oo ahaa hogaamiyaha ama madaxa doorashada ee xisbiga.
Gudoomiyaha xisbiga ayaa si cad isaga fogeeyey eedaymaha maadaama uu labadiisa ku xigeen ukala xil saaray.(Guddoomiya ku xigeenka oo masuul ka ah maareeynta iyo ololaha doorashada ,halka gudoomiye ku xigeenka uu u xilsaaray barnaamijka doorashada ee barlamaanka). Si kastaba ha ahaatee wa arrin xisbiga utaal iyo taageerayaashiisa oo ay ka wada hadli doonaan natiijo iyo is afgaradna ka gaari doonaan.

Soomaalida iyo doorka ay ka qaateen doorashada.

Soomaalida ayaa doorashadii sannadkan si aad ah uga qayb qaadatay,iyada oo doorashada ka hor la sameeyey wacyi gelin aad u sarraysa oo lagu baraarujiyey inay codeeyaan intooda xaqa ulahi. Waxaana doorashada ka hor la gaaray in soomaalidu helaan dareen ka sarreeya kii hore, waxaana sababay looga dhigi karaa dhibaatadii soomaalida ka soo gaartay xukuumadda 4 jirka ahayd , dhibaatadaas oo aan ka xasi karno tii xagga sharci adkaynta, lanoqoshada deganaanshaha iyo tan ugu weyn ee ahayd la noqoshada jinsiyadda.Waxaan iyana ka maqnayn tii carruurta waloow ay ahayd mid soo jiitamaysay weligeedba.

Guushii SV:

Soomaalidu kuma khasaarin u codeyntii xisbiga SV waxaana ka soo baxday guul waayo xisbiga oo barlamaanka ku lahaa 7 kursi xilligii hore ayaa markan helay 11 kursi taasoo ka dhigaysa xisbi miisaan ku leh barlamaanka, difaaci karana qaddiyadaha soo galeetiga iyo qaxootigaba.

Maxaa Soomaalida la gudboon doorashada ka dib: 

Doorashada ka dib waaa inaan ka dab qaadanno natiijada, waana ognahay oo isla xukuumaddii ayaa soo noqotay, iyada oo aan wax isbedel weyn ahi dhicin. Xisbiyadii aynu taageeradeenna siinayna, waxay maanta fadhiyaan kuraasta mucaaradka oo xukuumadda iyo la xisaabtankeeda ayeey ku salayn doonaan barnaamijyadooda iyo isu diyaarinta doorashada 20121 haddii alle ka raalli noqdo.

Haddaba haddii aan Soomaali nahay waxaa inala gudboon tala ahaan tayda:

Guusha ay doorashada ka soo hoysay Erna Solberg in loogu hambalyeeyo way mudantahay, iyadaana ah Raiisal wasaaraha waddanka. Tallaabada loo baahanyahay in la qaado waa in iyada iyo dowladeeda lala hor tago ajende iyo qorshe cad oo ka turjumaaya baahideenna iyo cabashooyinkeennaba, si aan sidaa ahayna lagu gaari maayo horumar. Waa inaan hor geeyno inaannu nahay muwaaddiniin dalka deggan balse aan haysan taageeradii iyo kaalmadii ay u baahnaayeen dad nala mid ah oo soo galeeti ah.

Maaha inaan u baahanahay cayr iyo xoogaa lacag ah, laakiin waxaan u baahanahay in naloo eego muwaadiniin leh xaquuq, waana inaan fahamsiinno dhibka annaga aan qabno oo sii baahaa inuu isbedel iyo saamayn ku samaynaayo guud ahaan dalka.Waa inaan kala hadalno baahideenna waxbarasho, shaqo iyo bulsho ahaaneedba, yaanna lagu habsaamin wax kale waa inaan la nimaadno qorshaas cad innaga oo diyaarinayna guddi metela shacabka Soomaaliyeed kuna hadla afkooda,haddii la waayo guddi midaysanna qof kasta oo soomaali ah oo arrintaa hor dhigi kara Raiisal wasaaraha iyo xukuumadeeda ayaa xor u ah inuu sameeyo.

Dhanka kale waa inaan axsaabta mucaaridka ah naftigooda la shaqayno gaar ahaan kuwii aan codkeenna siinay ee aan aminsanahay inay arrimaheenna wax ka qaban karaan ,aynuna la gorgortami karno. Waa inaan diiradda saarno sidii aan ula jaan qaadi lahayn xaaladda ka jirta waddanka ,aanna u soo afjari lahayn sawirka xun ee la inaga bixiyey,muujinona wajigeenna dhabta ah iyo inaynu nahay bulsho soo qaxday kana timid colaad iyo dhib una diyaar ah inay waddanka ay yimaadeenna wax ka qabsadaan ,horumarkiisana ka qayb qaataan,bulshada dhex galaan iyaga oo aan ka tanaasulin dhaqankooda wanaagsan ,diinta iyo taariikhdaba.

Waa in dhallinyarada lagu dhiirri geliyaa inay dareemaan isku kalsooni ayna la tartamaan caruuraha kale iyaga oo ku faanaaya inay leeyihiin laba dal ,laba dhaqan oo u sahlaaya inay hiigsadaan meel sare.

Waa inaan ilaalino midnimadeenna iyo isku xirnaanteenna bulsha ahaaneed kana baxno kala qaysanaanta, qabyaaladda, beelbeel iyo wax kasta oo dhibaato u keenaaya horumarkeenna.

Waa inaan kor uqaadno ka qaybqaadashada barnaamijyada iskaa wax uqabsada oo aan ugu adeegno dadkeenna iyo dhalinyaradeenna.
Gunaanadka waxaan u rajaynayaa umadda soomaaliyeed ee Norway deggan guul iyo horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Maxamad Bashiir
gumburi1885@yahoo.com
https://www.facebook.com/bhonefoss

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments