KRF: Ma ridi doono xukuumada Høyre iyo FRP!!

0
164
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Iyada oo sadex maalin oo kali ah ay ka harsantahay maalinta loo dareerayo doorashada baarlamaanka Norway, ayaa waxaa war la yaab ah uu shaley fiidkii kasoo yeeray gudoomiyaha xisbiga KRF, Knut A. Hariede oo sheegay in xisbigiisu uusan ridi doonin xukuumada Høyre iyo FRP, hadii ay Erna doorato inay la shaqeyso FRP. Arintaas oo ka dhigan in xukuumada Høyre iyo FRP ay shaqada sii wadan karaan, hadii xisbiyada midigta ay helaan aqbaliyada baarlamaanka.

Knut A. Hareide ayaa sheegay inuu rabo in Erna Solberg ay sii ahaato reysulwasaare, balse uu rabo oo kali ah in xisbigiisu uu la shaqeeyo xisbiyada Høyre iyo Venstre. Wuxuuna raaciyay inuusan jiri doonin heshiis wada shaqeyn, hadii ay Erna doorato la shaqeynta FRP. Isaga oo dhanka kale xaqiijiyay in xisbigiisu uusan ridi doonin Erna Solberg islamarka ay dhacdo doorashada, balse uusan garan karin inta ay arintaas sii socon karto.

Xisbiga Venstre ayaa horey u sheegay inuu taageerayo xukuumada k kooban Høyre iyo FRP, hadii ay Erna Solberg doorato la shaqeynta FRP oo kali ah. Hadalka KRF iyo Venstre wuxuu xoojinayaa jaaniska ay Erna Solberg iyo S. Listhaug kusii fadhin karaan xafiisyada dowlada, hadii isniinta soo socoto ay xisbiyada midigta helaan aqlabiyada baarlamaanka.

Hadalka KRF ayaa kusoo beegmay iyada oo ay meel adag mareyso loolanka doorashada dalkan Norway oo sadex maalmood oo qura ay ka harsantahay. Waxaana muuqato in farqiga u dhaxeeyo xisbiyada garabka midig iyo bidix uu aad u yaryahay, jaaniska guuleysiga labada dhinacna uu yahay 50%-50%.

Xigasho/kilde: VG.NO

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments