Koormeerayaal ka socdo 32 wadan oo maanta hubiniyay qaabka doorashada ay u dhaceyso.

0
118

158 kormeere oo isugu jiro norwiiji iyo ajnabi ah ayaa maanta kormeerayay qaabka ay u dhaceyso doorashada baarlamaanka dalkan Norway. 158-kan qof ayaa waxaa kamid ahaa kormeerayaal caalami ah oo ka kala yimid 32 wadan oo daafaha caalamka ah.

Kormeerayaashan ayaa hubinaya qaabka ay u dhaceyso doorashada, iyo inay waafaqsantahay xeerarka caalamiga ah ee doorashooyinka dimuqraadiga ah. Norway ayaa saxiixday heshiisyo caalami ah, kuwaas oo waajib ka dhigaya inay casuunto, isla markaana ogolaato in kormeerayaal caalami ah ay doorashada la socdaan.

Inkasta oo la wada aaminsanyahay in doorashooyinka Norway ay yihiin kuwo u dhaca qaab wanaagsan, hadana kormeerayaashan ayaa laga sugayaa inay diyaarinayaan warbixin ku saabsan doorashada, iyo waxyaabaha u baahan in la badalo ama la adkeeyo doorashada tan xigta.

Dowlada Norway ayaa sanadkan amartay in dhamaan codadka lagu tiriyo gacanta, kahor inta aana loo gudbin mashiin mar labaad tirin doono, si loo hubsado in tirada codadku ay sax yihiin.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments