lørdag, april 20, 2024

Germany: Merkel oo u muuqato iney ku guuleysan doonto doorashada madaxtinimo ee Germany

Waxaa xalay la qabtay doodii ugu horeysay, ahna mida kale ah ee sida tooska ah ay isaga horimaadeen musharaxiinta madaxtinimo ee dalka Germany. Waxaana doodaas ay dhexmartay hogaamiyaha hada talada haya ee Germany, Angela Merkel oo ah musharaxa xisbiga CDU iyo Martin Schulz oo ah musaraña xisbiga SPD iyo xulafadiisa.

Angela Merkel ayaa shaki la´aan ku guuleysatay doodii xalay, waxaana ay u badantahay in Merkel in xisbiyada taageerada siinaya xisbigeeda ay markale ku guuleysan doonaan doorashada madaxtinimo ee Germany.

Doorashada dalka Germany ayaa dhici doonto 24 September ee sanadkan 2017. Doorashada Germany ayaa ah mid aad isha loogu hayo, maadaama uu Germany udub-dhexaadka isku xira midowga Yurub iyo hogaamiyaha dhaqaale ee wadamada Yurub.

Soo galootiga iyo qoxootiga tirada badan ee Germany ay magangalyada siisay dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ayaa ah udubdhexaadka doodaha iyo ololaha doorashada.

Xigasho/kilde: VG.NO

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x