Xagee ayey kala marayaan xisbiyadu, yeyna u badantahay inuu soo baxo?

0
124

Waxaa mudo bil iyo maalmo ah ay inaga xigaan doorashada dalkan Norway, waxaana hada soo xoogeysanayo ololaha doorashada oo ay xisbiyadu isku hardinayaan.

Si caadiga ah waxaa xiliyada doorshada ka horeysa ay wargeysyada wadankan qaadaan codbixin online-ah, taas oo looga qiyaas qaato ilaa xad qaabka ay u dhici karto doorashada caadiga ah ee bisha September.

Listhaug iyo Erna wey baneyn lahaayeen kuraasta: 

Wargeyska VG oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dalkan Norway ayaa qaab online-ah ku qaaday codbixin uu ku eegayo taageerada dadka ee xisbiyada. Waxaana soo baxday in hadii codbixintaas laga qiyaas-qaato ay dhici laheyd dowlada hada jirto ee Erna Solberg.

Xisbiga shaqaalaha ayaa codbixintan ku noqday xisbiga ugu weyn, wuxuuna helay 30%, halka Høyre uu helay 22,7%, iyada oo uu soo raaco FRP oo helay 12,6%. Sp oo maalmahan xowli adag ku socday ayaa helay 11,9%. Krf iyo Sv waxey labaduba heleen min 5,2%, halka Rødt iyo Venstre ay wada heleen 3, 2%.

Hadii codbixintaas laga qiyaasqaato waxey xisbiyada bidixdu helayaan 89 kursi oo baarlamaanka ah, halkan qolyaha midigtana ay isku dar heli lahaayeen 77 kursi. Baarlamaanka Norway ayaa ka kooban 169 xildhibaan, xisbigii ama xisbiyadii isku dar hela 85 kursi iyo wixii ka badan.

Hadii arintan laga qiyaas qaato waxaa la dhihi karaa inay u badantahay inuu dhaco isbadal, isla markaana ay meesha ka baxdo dowlada Erna Solberg.

Xigasho/kilde: VG-Papir-avis-04-08-2017

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments