UNE oo UDI-da ku raacday kiisaska labo qof oo soomaali ah, kuwaas oo magangalyada lagala noqday

0
183
Foto: © Mimsy Møller / Samfoto

Sida ku xusan war qoraal ah oo lagu soo bandhigay boga rasmiga ah ee hey´ada UNE  oo qaabilsan dib u eegista go´aanada ay gaarto UDI-da, ayaa UDI-da ku raacday go´aanka ay ka gaartay kiiska labo qof  oo soomaali ah, kuwaas oo magangalyada lagala noqday, kadib markii dib u qiimeyn lagu sameeyay.

Sababta keentay in dib loogala noqdo magangalyada labadan qof ayay UDI-du ku sababeysay in amaanka magaalada Muqdisho oo labada qof ay kasoo jeedaan uu soo hagaagay, Al shabaabna magaalada laga saaray, isla markaana aysan u baahi usii qabin magangalyo.

[adsenseyu1]Sida ku xusan qoraalka UNE, waa markii ugu horeysay taariikhda oo UNE ay dib u eegis ku sameyso go´aan ay UDI-du gaartay, kaas oo ku saabsan magangalyo dib loogala noqday qof la siiyay, kadib isbadal ku yimid xaalada dalkiisii hooyo.  UNE ayaa sidoo kale sheegtay in go´aankan uu saameyn kusii yeelan karo kiisaska noocan oo kale ah ee laga yaabo in loo soo diro.

Labadan qof ayaa waxaa saameyn ku yeeshay wareegto ay soo saartay wasaarada dastuurka dowlada Norway, taas oo ku saabsan in dib u qiimeyn lagu sameeyo magangalyada 1600 oo soomaali, kuwaas oo Norway magangalyo soo weydiistay. sida ay UDI-du sheegtay isbuucyo kahor, ilaa 120 qof ayay UDI-du ilaa hada u dirtay waraaqo digniin dib u qiimeyn magangalyo ah.

UNE ayaa qaabilsan inay mar kale fiiriso go´aanada ay gaarto UDI-da. Qofkii aan ku qanacsaneyn go´aanka ay labadaas isku waafaqaan, waxaa usii furan jid kale oo ah inuu maxkamad la aado kiiskiisa.

Xigasho/kilde: UNE.NO/HALKAN KA AQRI GO´ AANKA UNE ee kiiska labadan qof.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments