Sweden: Waxaan dacwad ka gudbiyay siyaasigii soomaalida aflagaadeeyay.

0
195
Cawad Xirsi Foto:Kenadid Mohamed/SR

Cawad Xirsi oo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa dacwad midabtakoor(faquuq) la xiriirta ka gudbiyay siyaasi ka tirsan xisbiga Miljöpartiet (MP) ee degmada Järfälla ee dalka Sweden. Dacwada muwaadinkan soomaaliga ah ayaa la xiriirta iska horkeenka qowmiyadaha,  kadib markii uu siyaasigaas soomaalida ku tilmaamay burada cudurka kansarka(kaankarada),  mar uu qoraal ku daabacay bog Facebooga kamid ah.

Cawad Xirsi oo ka tirsan hoggaanka xisbiga Feministiskt Initiativ ee magaalada Stockholm ayaa idaacadda afka soomaaliga ee Radio-Sverige u sheegay inuu aqoon dheer u leeyahay shakhsiga uu dacwadda ku oogey, isla-markaana ay muddo tobaneeyo sannadood lahaayeen xiriir wada shaqeeyn intii aanu Cawad Xirsi ka bixin xisbiga MP.

Ma ahan markii ugu horeysay ee soomaalida dalka Sweden ama guud ahaan wadamada Woqooyiga Yurub ay aflagaado cad kala kulmaan siyaasiyiinta dalalkaas, balse waxuu falka Cawad xoojin karaa in siyaasiyiintu ay ereyadooda ka fiirsadaan, maadaama ay ku waayi karaan xilalka iyo sumcadooda siyaasadeed.

Xigasho/kilde: Radio-Sverige-Somali

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments