SV: Shantan shardi ayaan Ap ku xireynaa, si aan u wada shaqeyno

0
110
Foto: Marius Nyheim Kristoffersen

Xisbiga SV oo kamid ah xisbiyada garabka bidix ee siyaasada dalkan Norway ayaa sheegay inay xisbiga Ap ay ku xiri doonaan shan shardi, kuwaas oo hadii aan la fulin aysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo dhexmarti doonto Ap iyo SV.

Barnaamijka ay SV sanadkan ku galayaan doorashada, waxaa kamid ah in hoos loo dhigo saboolnimada caruurta Norway kunool, waxeyna sheegeen inay rabaan in kor loo qaado lacagta la siiyo waalidiinta dhalay caruurta ka yar da´da 18-ka sano(barnetryd).

Shantan qodob oo ay SV Ap hordhigeen ayaa kala ah:

  1. In la kordhiyo lacagta la siiyo waalidiinta dhaley caruurta ay da´doodu ka yartahay 18-ka sano-

  2. In lala dagaalamo waxyaabaha keena inay cimiladu isbadasho, isla markaana la yareeyo gaasaska hawada lagu sii daayo, sida CO2.

  3. In la taageero heshiis caalami ah oo looga hortagayo hubka wax gumaada ee Nugleyrka.

  4. In la kordhiyo tirada macalimiinta iskuulada.

  5. Iyo In la istaajiyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee lacagta ka faa´iido howlaha daryeelka dadweynaha oo ay dowlada u qabtaan.

SV ayaa rabo inay doorashadan la shaqeeyaan Ap iyo Sp, laakiin waxaa dhici karto inaysan dowlada kamid noqon, hadii ay wada shaqeeyaan Ap, KRF iyo Sp.

XIgasho/kilde: TV2.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments