Stavanger: Ardey soomaali oo loo diiday in guri laga kireeyo

0
101
Kiro

Sida ay warbaahinta u sheegeen ururka ardeyda ee magaalada Stavanger, ardey soomaali ah oo wax ka barta jaamacada Stavanger ayaa loo diiday in laga kireeyo guri, sababo la xiriirta diintiisa iyo asalkiisa.

Ururka ardeyda ayaa sida caadiga ah bilowga sanad dugsiyeedka jaamacadaha ardeyda cusub ka caawiyo sidii ay u heli lahaayeen guryo kiro ah. Waxeyna guri usoo heleen ardeygan soomaaliga ah, iyada oo ninka guriga kireynaya loo sheegay wax walba oo u baahnaa inuu ogaado, ilaa magaca ardeygan soomaaliga ah ma ahaane.

Marka uu ardeygan soomaaliga rabay inuu saxiixo heshiiska kirada guriga, ayuu ninka guriga iska leh ogaaday inuu yahay muslim, asalkiisu uu soomaali yahay, wuxuuna isla markiiba sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu guriga ka kireeyo.

Ururka ardeyda Stavanger ayaa sheegay inay arintaas ka xunyihiin, iyada oo warbaahinta lokalka ah ee Stavanger ay aad u hadalheyso arintaas.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments