torsdag, mars 28, 2024

Reysulwasaaraha Sweden oo Listhaug uga digay inay faraha lasoo gasho siyaasada soo galootiga dowlada Sweden

Reysulwasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven ayaa wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway uga digay inay faraha lasoo gasho siyaasada dowlada Sweden ay kula dhaqanto soo galootiga, isaga oo amaan u jeediyay wasiiradiisa soo galootiga oo shaley diiday inay Listhaug la kulanto.

Stefan Löfven oo u waramayay wargeyska VG  ayaa sheegay in booqashada Listhaug ee xaafada Rinkeby ay cad tahay inay kamid tahay ololaheeda doorashada Norway, aysana aheyn inay ololaheeda kula soo gal-galato dowlada Sweden iyo siyaasadeeda soo galootiga.

Löfven ayaa sheegay in wax kaqabashada xaalada soo galootiga dalka Sweden ay tahay mid u taalo dowlada Sweden, qaabka ay u xalinayaan ay iyaga jirto, isaga oo ka digay in dowladuhu ay faraha la galaan xaalada kajirto gudaha wadan kale. Wuxuuna raaciyay inay muhiim tahay in sawir sax ah laga bixiyo xaalada Sweden.

Wasiirada soo galootiga Sweden Heléne Fritzon ayaa Listhaug ku eedeysay inay sawir qaldan ka bixineyso xaalada Sweden, waxeyna sheegtay in qaabka ay Listhaug u dhigeyso xaalada soo galootiga Sweden ay tahay mid waxbo kama jiraan ah.

Gudoomiyaha maamulka degmada Stocklom ayaa sidoo kale shaley Listhaug ka dalbaday inay raali-galin ka bixiso warbixinada qaldan ee sida isdaba jooga ah ay uga dhiibeyso xaalada dalka Sweden.

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Sweden, dowlada Norway ayaa Sweden uga sii digtay safarka ay Listhaug halkaas ku tagi doonto. Waxeyna taas kamid aheyd waxyaabaha sababay in wasiirada soo galootiga Sweden ay diido kulanka Listhaug.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x