Reuters: 18,6 milyan oo soo galootiga ah ayaa kunool Germany

0
177

Sida ay qoreyso wakaalada wararka Reuters, waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 dalka Germany ku noolaa 18, 6 milyan oo soo galooti ah. Waxaana tirada soo galootiga dalkaas kunool ku yimid kor u kac dhan 8,6%. Sababta ugu weyn ee kor u kaca keentay ayaa lagu sheegay inay tahay Germany oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay qaabishay boqolaal kun oo magangalyo doon ah.

Reuters ayaa qoreyso in qof kamid ah shantii qof( 1 av 5) ee dalka Germany kunool ay yihiin soo galooti ama caruur ay dad soo galooti ah dhaleen.

3,2 milyan qof oo asal ahaan kasoo jeedo bariga dhexe iyo Afrika ayaa kunool dalkaas, waxaana kamid ah kumanaan soomaali ah, haba u badnaadeen dhalinyaro dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dalkaas kusoo galay qaab qoxootinimo ah.

Waxaa dhawaan dalka Germany ka dhici doonto doorashada baarlamaanka, iyada oo arinta soo galootiga ay noqon doonto mid kamid ah qodobada ay dooda badan ka dhalan doonto.

Germany ayaa ah dalka ugu dadka badan midowga Yurub, waxaana guud ahaan dalkaas kunool 82 milyan oo qof.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments