Putin oo amray in 755 diblumaasi oo Mareykan ah ay isaga baxaan Ruushka.

0
241
Putin

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyey in diblumaasiyiin gaaraya 755 oo Maraykan ah ay ka baxaan wadanka Ruushka. Ruushka ayaa illaa kowda bisha September u qabtay Maraykanka inay kala baxaan diblumaasiyiintaas safaaradooda Moscow, arintan oo looga jawaabayo cunaqabateyn uu aqalka Congresska Mareykanku uu ansixiyay in la saaro Ruushka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa ansixiyey in cunaqabateyn horleh la saaro Ruushka, taas oo jawaab u ahayd farogelintii la sheegay inuu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo waliba dagaalada uu Ruushka ka wado Ukraine iyo Siiriya.

Putin ayaa sheegay in ay hada ka dhamaatay dulqaadkii isla markaana ay lama huraan noqotay in jawaab laga bixiyo tilaabooyinka ay Maraykanka qaadeen, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dal uusan mudooyinka soo socda uusan hagaagi doonin.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegi doonaan labo guri oo ay Safaarada Maraykanka ku leedahay dalkooda taasi oo looga jawaabayo la wareegidii Maraykanka la wareegay guryo Ruushka uu ku lahaa Maraykanka, tilaabadaasi oo ay horey u qaaday xukuumadii Obama bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Tirada Diblumaasiyiinta Maraykanka ee Moscow laga saarayo ayaa ah kala bar shaqaalihii Safaarada Maraykanka ee wadankaasi Ruushka.

Xigasho/kilde: The Guardian

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments