tirsdag, april 23, 2024

Oslo: Soomaalida xaafada Stovner oo la shiray xisbiyada siyaasada Norway

Soomaalida ku dhaqan xaafada Stovner oo kamid ah xaafadaha ay magaalada Oslo ugu badanyihiin soomaalida ayaa sabtidii lasoo dhaafay kulan dood iyo su´aalo weydiin ah la yeeshay xisbiyada siyaasada dalkan Norway. Waxaana doodaas kasoo qeybgalay siyaasiyiinta xaafada ee matala xisbiyada, Ap, Sv, Rødt, MDG iyo Høyre ayaa kamid ahaa xisbiyadii siyaasiyiinta usoo diray kulankaas dooda ah.

Dooda iyo su´aalaha la weydiinayay xisbiyada ayaa inta badan ku saabsanaa baahiyaha iyo waxyaabaha ay tabanayaan soomaalida ku dhaqan Stovner, iyada oo su´aalaha ugu badan ay la xiriireen wax kaqabashada dhibaatada waxbarshada kasoo wajahdo caruurta iyo sidii xal loogu heli lahaa, shaqo la´aanta guud ahaan kajirto xaafada, iyo sidii aktivitet loogu sameyn lahaa dhalinyarada dhameysay iskuulada, isla markaana aan helin shaqo maalmeedyo.

Xisbiyada ayaa isku dayay inay jawaabo waafi ah ka bixiyaan su´aalaha soomaalida ku dhaqan xaafadaas, isla markaana ay muujiyaan waxqabadkooda iyo waxa ay sii qaban karaan hadii ay ku guuleystaan doorashada baarlamaanka ee inagu soo aadan. Mid kastana waxa uu tusaale usoo qaadanayay waxa uu qabtay ilaa hada, iyo waxa uu rabo inuu qabto mustaqbalka.

Doodan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururka Stovner Flerkulturelt Forening(SFF) oo kamid ah ururada iskaa wax u qabsada ah ee ka dhisan xaafadaas.

Dooda kadib ayay soomaalida Stovner sheegeen inay ku heshiiyeen inay doortaan xisbi kamid ah xisbiyadii kasoo qeybgalay doorashadaas, kadib markii ay sheegeen inay dhageysteen doodii dhex-martay.

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x