Maanta waxaa albaabada loo furay goobaha codbixinta, codkaadana waad sii dhiiban kartaa

0
99

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka bisha August, waxaa albaabada loo furay dhamaan goobaha codbixinta dalkan Norway. Iyada oo dadku ay codkooda sii dhiiban karaan, inta aan la gaarin maalinta doorashada ee 11-ka September. 

Dhamaan dadka xaqa u leh inay codeeyaan, waxaa mar hore postada ugu soo dhacday waraaqda codbixinta, laakiin qasab ma ahan inaad wadato warqadaas marka aad codka bixineyso, kaliya waxey kuu fududeyneysaa in waqti uu kuu dhaqaaloobo.

Hadii aad rabto inaad ogaato meesha aad codka ka dhiiban karto inta aan la gaarin 11-ka September waxaad riixdaa linkigan(Halkan), kadibna waxaad ku qortaa meesha aad degantahay, waxaana kuu soo bixi doono meesha ugu dhow ee aad codkaaga ka dhiiban karto.

Waa muhiim i qof walbe oo xaq u leh inuu codeeyo, uu codkiisa dhiibto. Hadii aadan hada codeyn, hadhow ha can.

Xigasho/kilde: Valg.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments