fredag, mars 29, 2024

Italia: Norway ha joojiso qoxootiga ay dib ugu soo celineyso Italy

Dowlada Italiya ayaa Norway ka codsatay inay joojiso dadka qoxootiga ah ee faraha kuleh wadankaas oo ay Norway kusoo celineyso Italy. Waxeyna sheegeen inay xaqdaro tahay in wadamada Yurub ay Talyaaniga kusoo celiyaan dadka halkaas faraha ku leh, iyaga oo adeegsanaya xeerka Dublin-ka. Iyada oo Talyaanigu uu hada la tacaalayo maareynta tahriibayaasha sida maalinlaha ah u yimaada dalkaas.

Norway ayaa sanadkan 2017 Talyaaniga ku celisay 57 qof oo dalkaas markii hore magangalyo weydiistay, iyada oo wasiirada arimaha soo galootiga Norway, S. Lishtuag ay ka biyo diiday codsiga dalka Talyaaniga ee joojinta dib u celinta qoxootiga.

Stein Eirik oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga Ap ayaa dhankiisa sheegay ineysan macquul aheyn in Norway ay hada joojiso dib u celinta qoxootiga ee dalka Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa geed gaaban iyo mid dheerba ugu jiro sidii uu wax ka badal ugu weyn sameyn lahaa xeerka Dublin oo wadamo badan oo Yurub ah u sahlayo inay si dhibyar dalkaas ugu soo celiyaan dadka magangalyada weydiistay.

Xigasho/kilde: VG.NO

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x