Hadsel: Bushro Jama iyo qoyskeeda oo ka qaxay deegaanka Stokmarknes

0
136
Qareenka Bushro: Daniel Riibe

Bushro Jama oo ah hooyadii soomaaliyeed oo hey´ada UDI-da ay kala noqotay sharciga magangalyada ayaa warbaahinta deegaanka Hadsel ay soo tabinayaan in iyada iyo qoyskeeduba ay isaga qaxeen deegaanka Stokmarknes oo mudo lix sano ah ay ku nooleyd. Waxaana sidaas warbaahinta u xaqiijiyay Dina Nilsen oo ah gacanta ku heyso bog Facebooga ah oo lagu taageerayay Bushro Jama.

Arintan ayaa timid kadib markii labo isbuuc kahor ay hey´ada UNE, UDI-da ku raacday go´aanka ay sharciga kagala noqotay Bushro oo UDI-du ay ku eedeysay inaysan run ka sheegin aqoonsigeeda shaqsiyeed.

Bushro ayaa dadkii taageerayay u reebtay warqad ay uga mahad-celineyso taageerada ay u fidiyeen iyo garabka ay u muujiyeen, mana aysan sheegin meesha iyada iyo qoyskeedu ay u wajihi doonaan.

Qareenka bushro Jama, Daniel Riise ayaa warbaahinta u sheegay in hooyadan soomaalida ah lagu qabsay inay gurigeeda ka qaxdo, ayna dareensaneyd ineysan jirin wado kale oo ay arinteeda ku xalin karto. Wuxuuna si caro ah u sheegay in qaabka loola dhaqmay hooyadan iyo go´aanka laga gaaray kiiskeeduba uu ahaa mid guracan, oo UDI-da iyo UNE-da aysan waxbo xeerin. Isaga oo raaciyay in hey´adaha dowlada ay qeyb ka qaateen bur-burinta qoys si fiican u dhexgalay mujtamaca, isla markaana qeyb muuqato ka ahaa dadka deegaanka.

Bushro ayaa sanad kahor dhameysay dugsiga sare, iyada oo sidoo kale uu ninkeed ka shaqeyn jiray shaqo fast ah. Qoyskan soomaaliyeed ayaa Norway ku dhalay labo caruur ah.

Qareenka hooyadan soomaaliyeed ayaa sheegay inuu filiyo in Bushro ay ka baxday Norway, balse uusan ogeyn meesha ay u baxsadeen.

Xigasho/kilde: NRK, VOL.NO, BLV.NO,  VOL.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments