Brussels: Booliska Belgium-ka oo toogasho ku dilay nin soomaali ah oo mindi ku weerarar labo askari

0
146

Booliska magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgiumka ayaa shaley fiidkii nin soomaali ah ku dilay toogasho, kadib markii ay sheegeen inuu mindi kusoo weerarar labo askari oo ku sugnaa bartamaha magaaladaas.

Ninkan soomaaliga ah ayaa da´diisa lagu qiyaasay 30-sano jir, wuxuuna marka uu weerarka geysanayay ku dhawaaqanayay (Allahu Akbar), isaga oo dhaawacyo gaarsiiyay askarta uu weeraray, kahor inta aysan toogashada ku dilin.

Ninkan ayaa dhaawac ahaan isbitaalka loogu qaaday, halkaas oo uu markii danbe ku geeriyooday. Booliska Belgiumka iyo laamaha amaanka dalkaas ayaa saaka sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso, waxeyna sheegeen inay wali baaritaano ku wadaan dhacdadan.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no/NTB, RTBF

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments