onsdag, april 24, 2024

Australia: Haweeney katirsan baarlamaanka oo si jees-jees ah Indho-shareer u xiray

Haweenayda hogaamisa xisbiga midig fog ee One Nation ee dalka Australia ayaa soo xiratay xijaab jirkeeda oo dhan qarinaya xili ay ka qayb galaysay kalfadhi uu lahaa golaha aqalka sare(senetka) ee dalka Australia.

Pauline Hanson ayaa markii ay soo gashay aad uga yaabisay xubnaha Sanetka, kahor inta ay golaha ka dalban in indho-shareerka laga mamnuuco dalka Austrlia.

Xeer ilaaliyaha guud ee Australia George Brandis ayaa canbareeyay ficilka haweeneydan, waxa uuna kula taliyay islamarkana uga digay in falka ay ku kacday uu yahay mid ku xadgud ku ah diin gaar ah.

[adsenseyu2]Xubnaha mucaaradka ayaa si aad ah ugu sacbiyay Mr Brandis markii uu hadalkasi jeediyay. Khudbad ay qiiro ka muuqatay ayyy Mr Brandis waxa uu sheegay in falka ay ku dhaqaaqday Ms Hanson uu halis ku yahay islamarkana uu faqiiqayo qiyaastii 500,000 oo ah muslimiinta Australian.

«In aad bulsho yasto, in aad faquuqdo iyo in aad ku jeesjeesto dhar astaan diimeed ah, waa arrin aad u xun. Waxaana kaa codsanayaa in aad dib uga fiirsato wixii aad samaysay,» ayuu yiri Mr Brandis oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Australia .

Idaacada qaranka ee Australia ayaa baahisay in Ms Hanson markii ay soo gashay aqalka Sanetka uu qof waliba uu yaabay. Madaxa aqalka sanetka Stephen Parry ayaa sheegay in ka hor inta aysan soo galin aqalka sanetka la xaqiijiyay in qofka sanetka soo galaya ay tahay Ms Hanson. Haweeneydan ayaa markii danbe iska furtay indoshareerka.

Mooshinkeeda ku saabsan in indhoshareerka laga mamnuuco Australia ayay aqalka sanetka ee Australia ka doodeen maalintii khamiista aheyd, walina go´aan lagama gaarin.

Bayaan ay ku baahisay baraha internetka ayay ku sheegtay in ay tahay arrin muhim ah mamnuucida in qofka uu wajigiisa oo dhan qariyo marka uu joogo goobaha ay dadwaynaha isugu yimaadaan.

Khudbada uu Mr Brandi ku canbaareeyay falka ay haweenaydan samaysay ayaa waxa si buuxda u taageeray xisbiyada Labor iyo Greens party, oo ku hanbalyeeyay.

Hogaamiyaha xisbiga Green Richard Di Natale ayaa sheegay in Mr Brandis uu bixiyay jawaab adag oo qiiro leh.

Ms Hanson ayaa marar badan muran dhalisay tan iyo intii la soo doortay markii ugu horaysay 1996.

Sanadii 2016, waxa ay jeedisay khudbad dhaleeceyn ah oo ay ku sheegtay in dadka Muslimiinta ah ay la wareegeen,waxaana hadalkeedaa ay kala kulantay canbaarayn xoogan.

Xigasho/kilde:BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x