Ap: Ma taageereyno xero qoxooti oo laga furo Afrika

0
181

Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa maalmo kahor sheegay inay qiimeynayaan soo jeedin ah in Libya laga furo xero qoxooti oo lagu soo dhaweeyo dadka tahriibayaasha ah ee kusoo jeeda Yurub. Taas oo la sheegay in laga yaabo inay xal u noqon karto dhibaatada qoxootiga iyo dadka ka shaqeeya tahriibinta dadka.

Frp ayaa sheegay in fikirkaas uu yahay kii ay soo jeediyeen isbuucyo kahor, isla markaana  Ap uu ahaa xisbigii kasoo horjeeday ee diidanaa arintaas. Siyaasiyiin katirsan FRP ayaa baraha bulshada maalmahan kusoo qorayay hadalo ay ku durayaan isbad-badalka Ap ee siyaasadooda soo galootiga.

Afhayeenka xisbiga Ap ee arimaha soo galootiga, Stein Eirik ayaa sheegay in warka arintaas ku saabsanaa laga leexiyay u jeedadiisa, isla markaana uu xisbigiisa wali kasoo horjeedo in xero qoxooti laga furo Afrika, si halkaas looga hortago, isla markaana halkaas loogu qaabilo inta aysan bada soo galin.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments