Tromsø oo kaalinta koowaad kaga jirto magaalooyinka ay soo galootiga ugu badan ka shaqeeyaan.

0
196
Sawirka: Qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Tromsø, intii ay socotay howshii gurmadka abaaraha

Tirokoob ay dhawaan soo saartay hey´ada dib u dajinta soo galootiga ee IMDI, ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ay 69,3% soo galootiga kunool magaalada Tromsø ay shaqeynayeen. Tiradaas oo Tromsø ka dhigeyso magaalada ay kunoolyihiin soo galootiga ugu badan ee shaqeeya.

Soomaalida ayaa kamid ah soo galootiga ugu badan ee kunool magaalada Tromsø, iyada oo sidoo kale ay jiraan ardey badan oo soomaali, kuwaas oo dhigta jaamacada Tromsø, isla markaana deegaan ahaan ka yimid meelo kala duwan oo wadanka ah.

Guud ahaan 60% soo galootiga kunool dalkan Norway ayaa ka dhexmuuqdo suuqa shaqada.  Waxyaabaha ka qeybqaata in soo galootigu ay helaan shaqo ayaa waxaa kamid ah in soo jiheeyo barashada luuqada norwiijiga, iyada gacan laga siinayo sidii ay xiriir ula yeelan lahaayeen suuqa shaqada, sida ay sheegtay Libe-Rieber Mohn oo ah madaxa heyáda IMDI.

Xigasho/kilde: ITRØMSO-Papiravis-12-07-2017, side 2

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments